Finland waxaa laga helay maanta 407 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 2 dhimasho cusub ah

Jimce 12.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 407 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 49 572 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 82 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 244 qof, gobolka Vaasa oo laga helay 43 qof, iyo gobolka Varsinais-Suomi oo 28 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 115 qof, Vantaa: 43 qof , Espoo: 30 qof, Vaasa: 25 qof, Turku: 15 qof, Järvenpää: 13 qof, Jyväskylä: 11 qof, Oulu: 8 qof, Kerava: 7 qof, waxaa min 6 qof laga helay magaalooyinka kala ah: Lahti, Hyvinkää iyo Tuusula. Magaalooyinka kala ah: Kauinainen, Pori iyo Mustasaari waxaa laga helay min 5 qof, magaalooyinka Kirkkonummi, Paimio, Tampere iyo Kouvola waxaa laga helay min4  qof. Magaalooyinka kala ah: Kankaanpää, Vöyri, Vihti, Sipoo, Mäntsälä iyo Kristiinakaupunki waxaa laga helay min 3 qof. Magaalooyinka kala ah Eurajoki, Orimattila, Maalahti, Joensuu, Uusikaupunki, Kuopio, Ylivieska, Lohja, Inkoo, Salo, Lempäälä, Savonlinna, Rauma, Rovaniemi, Tornio, Heinola iyo Nurmijärvi waxaa laga helay min 2 qof. Inta kale ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 109 qof sida ay sheegtay hay’adda THL,  kuwaasoo 18 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 710 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta in ay 2 qof oo hor leh u dhinteen feyruska korona, iyadoo shalay ay 2 qof u dhinteen feyruska awgiis.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 197 540 qof (12.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

     35 180 812    108 391 537
           757986         2 380 868

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 28,002,240  103 481   3 068  486 922
2 Hindiya 10,880,413      9 353         85  155 484
3 Baraaziil   9,716,298    53 993    1 452  236 397
4 Ruushka   4,027,748    15 038       553    78 687
5 Ingiriiska   3,998,655    13 494       678  115 529
6 Faransiiska   3,406,685    21 063       360    80 803
7 Isbeyn   3,041,454    17 853       513    64 217
8 Talyaaniga   2,683,403    15 146       391    92 729
9 Turkey   2,564,427      7 590          94    27 187
10 Jarmalka   2,321,215      9 918        534    64 513
11 Kolombiya   2,179,641      6 294        250    56 983
12 Arjantiin   2,008,345      7 311        200    49 874
13 Meksiko   1,957,889    11 138     1 328  169 760
14 Poland   1,570,657      7 007        456    40 177
15 Iiraan   1,496,455      7 474          65    58 751
16 Konfur-Afrika   1,484,900      2 488        237    47 382
17 Ukriane   1,258,094      5 039        124    24 058
18 Peru   1,212,309      8 807        186    43 045
19 Indonesia   1,191,990      8 435        214    32 381
20 Czechia   1,065,050      9 519        110    17 843
21 Netherlands   1,017,302      4 394          72    14 662
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS