Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 266 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Jimce 06.11.2020 laga helay feyruska korona 266 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 17 385 qof.

Labadii toddobaad ee ugu dambaysay waxaa la helay 2 911 qof oo hor leh oo feyrusku ku dhacay, taasoo 17 xaaladood kabadan tiradii labadii toddobaad ka horeeyay.

Meelaha ugu badan ee faafista cudurku ka dhacay waa magaalada Helsinki iyo gobolka Uusimaa oo 159 qof laga helay feyruska. Meesha labaad ee ugu badan ee laga helay feyruska waa waaxda caafimaadka ee Lappi, kaasoo tirada laga helay ay ahayd 22 qof. Gobolka saddexaadna waa Varsinais-Suomi oo tirada laga helay ay tahay 18 qof. (Helsinki 74, Espoo 45, Vantaa 25, Oulu 13, Turku 10).

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 68 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 13 qof oo ka mi d ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.  Hay’adda THL waxaa ay sheegtay maanta in 1 qof oo hor leh uu u dhintey feyruska korona dalkaan Finland, taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 362 qof.

Magaalada Tornio oo xarumaha adeegga Bulshada la xirayo muddo laba toddobaad ah 

Xaaladda magaalada Tornio ayaa si aad ah uga soo daraysa. Arbacadii ayaa kooxda iskuduwidda arrimaha korona ee waaxda caafimaadka lansi-Pohja waxaa ay sheegeen in heerka faafista magaalada Tornio uu galay heerka labaad ee karaarqaadashada, waxaana ay dadka reer Tornio u soo jeediyeen in ay guryahooda ku jiraan. Goobihii adeegga bulshada ayaa la xiray si loo yareeyo faafista cudurkan safmarka ah.

Madaxa dhakhaatiirta Tornio Jukka Ronkainen oo ka hadlayay xaaladda faafista feyruska ee Tornio, ayaa sheegay in ay tahay mid aad u daran. Wuxuuna caddeyay, in haddii dadku ay ru hoggaansamaan talosoojeedinta loo soo gudbiyay muddo saddex toddobaad ah, ay noo sahlanaan doonto buu yiri in xaalku uu dego.

Sidoo kale feyrusku wuxuu si aad ah ugu faafsan yahay magaalada deriska la ah Tornio ee Haaparanta oo ku taalla xadka dhiniciisa kale.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

11 346 269 48 680 103
 

 

Tirada u dhimatay feyruska

283 906 1 232 606

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 9,91 milyan 118 319   1 127 240 955
2 Hindiya 8,41 milyan    47 622      675 125 029
3 Baraaziil 5,61 milyan    23 317      609 161 779
4 Ruushka 1,71  milyan    19 404      292    29 509
5 Faransiiska 1,60 milyan    58 046      363    39 307
6 Spain 1,36  milyan    21 908      368    38 486
7 Arjantiin 1,21 milyan     11 100      246    32 776
8 Ingiriiska 1,12 milyan     24 241      378    48 120
9 Kolombiya 1,11 milyan        9 893      196    32 209

Xigasho: YLE, HS, Worldmeters.info