Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 189 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Khamiis 05.11.2020 laga helay feyruska korona 189 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 17 119 qof.

Meelaha ugu badan ee faafista cudurku ka dhacay waa magaalada Helsinki iyo gobolka Uusimaa oo 118 qof laga helay feyruska. Gobolka labaad ee tirada ugu badan laga helay waa Varsinais Suomi oo 20 qof laga helay feyruska.

Helsniki 39, Espoo 37, Vantaa 29, Turku 14, Tampere 7, Oulu 8.

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 50 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, 15 qof oo kalena waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.  Hay’adda THL waxaa ay sheegtay shalay in 2 qof oo hor leh ay toddobaadkaan bilowgiisa u dhinteen feyruska korona dalkaan Finland, taasoo  tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 361 qof.

Magaalada Tornio ayaa xarumaha adeegga Bulshada oo dhan, waxaa la xirayaa muddo 2 toddobaad ah.

Maamulka magaalada Tornio ayaa go’aan ku gaaray in la xiro xarumaha adeegga bulshada sida maktabadda, hoolka dabaasha, machadka aqoonkororsiga dadka waaweyn iyo matxafka, laga bilaabo maanta oo khamiis ah illaa iyo muddo laba toddobad ah oo ku beegan 19-ka bishaan November. Tallaabadaas ayuu maamulku ku tilmaamay mid looga hortagaayo faafista cudurka safmarka ah ee feyruska korona oo beryahaan si aad ah ugu faafayay magaalada.

Waxaa intaa dheer oo la joojiyay dhammaanba hiwaayadihii isboortiga ee tababarka kooxaha wixii ka weyn 18 sano.  Waxaana maamulku uu soo jeedinayaan in lagu dadaalo kala fogaanshaha, islamarkaana la qaato afshareerka, marka la joogo goobaha guud ee dadku isugu yimaado.

Magaalada Tornio ayaa faafista cudurkan safmarka ah waxaa ay ahayd mid aad u sarreysa marka loo eego tirada dadka magaaladaas ku nool. Waxaana magaalada ay haatan ka gudubtay heerka hoose ee qiyaasta xaaladda cudurka, iyadoo gashay heerka saddexaad ee faafista cudurka ah.

 Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO
Dalka
Tirada guud ee Feyruska
Tirada cusub ee feyruska
Tirada cusub ee dhimashada
Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 9,80 milyan 108 389   1 201 239 829
2 Hindiya 8,36 milyan    50 465      704 124 354
3 Baraaziil 5,59 milyan    23 815      622 161 170
4 Ruushka 1,69  milyan    19 768      389    29 217
5 Faransiiska 1,54 milyan    40 558      385    38 674
6 Spain 1,35  milyan    25 042      297    38 118
7 Arjantiin 1,20 milyan     32 520      468    32 520
8 Kolombiya 1,10 milyan        8 692      166    32 013
9 Ingiriiska 1,09 milyan     25 177     492    47 742
   Xigasho: YLE, Worldmeters.info