Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

 

Finland waxaa laga helay 237 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Talaada 3.11.2020 laga helay feyruska korona 237 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 16 637 qof.

Illaa iyo 43 magaalo oo ka mid ah dalkaan ayaa laga helay feyruska. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waa magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay isu darka guud 83 qof.

Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waxaa ay kala yihiin: Helsinki (32 qof), Espoo (29 Qof), Tampere (20),Vantaa (15 qof), Jyväskylä (18).

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 70 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, 13 ka mid ah dadkaasna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.  Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in tirada guud ee dhimashada waxaa ay maraysaa 359 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

20 055 588 46 912 399
 

Tirada u dhimatay feyruska

      514 547   1 206 988
 

Tirada ka bogsatay

  7 703 631 31 387 042

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 9,56 milyan 88 905    522 236 997
2 Hindiya 8,26 milyan 37 592    497 123 139
3 Baraaziil 5,55 milyan   8 501    168 160 272
4 Ruushka 1,65  milyan 18 257    238    28 473
5 Faransiiska 1,46 milyan 52 518    416    37 435
6 Spain 1,31 milyan 18 340    127    36 257
7 Arjantiin 1,18 milyan   9 598    483    31 623
8 Kolombiya 1,09 milyan   9 935    155    31 670
9 Ingiriiska 1,05 milyan 18 950    136    46 853

   Xigasho: YLE, Worldmeters.info