Wararka Caalmka ee Feyruska korona iyo maanta

Finland waxaa laga helay 93 qof oo cusub oo qaba feyruska korona, iyadoo hal qofna uu u dhintay xanuunka awgiis

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Arbaca 9.9.2020 laga helay feyruska korona 93 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 8 430 qof.

Hay’adda THL ayaa sheegtay in maanta uu hal qof dalkaan Finland u dhintay feyruska korona, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee dhimashada 337 qof.

Dadka ku jira daryeelka isbitaalka ferysuka korona awgiis ayaa hoos uga dhacay tiradii ay Isniintii la soo dhaafay ahaayeen, waaxana haatan osbitaalka ku jira Lix qof, oo hal qof oo ka mid ah uu ku jiro qaybta xaaladaha aadka u adag.

In kabadan 300 qof oo ku nool magaalada Mikkeli ayaa u nuglaaday feyruska

Sida uu sheegay madaxa xarunta caafimaadka Essote Santeri Seppälä, in ka badan 300 qof oo reer Mikkeli ah ayaa u nuglaaday feyruska korona. Waxaana Seppälä u sheegay in saacad kasta ay jiraan dad cusub oo nala soo xiriiraaya. Dhammaan dadkii u nuglaaday feyruska lalama wada xiriirin, waxaana dhici karta in tiradu ay intaas ka sii badato.

Agagaarka Essote waxaa feyruska laga helay 21 qof.

Inta ugu badan dadka uu feyrusku korona ku dhacay waxaa ay si firfircooni leh u dhex socdeen magaalada, marka dib loo eego meelihii ay tageenna, waa boqolaal meelood , halkaasoo ay suurtaggal tahay in cudurku ku faafo, ayuu yiri Seppälä.

Sida uu Seppälä sheegay agaarka bartamaha magaalada Mikkeli oo dhan waxaa toddobaadkii la soo dhaafay ay ahayd goob u nuglaatay faafista feyruska korona.

Dugisiga sare ee farsamada gacanta ee Tampere oo uu ku faafay feyruska korona

 Wararka ka imaanaya magaalada Tampere ayaa sheegaya in feyruska korona uu ku faafay dugsiga sare ee farsamada gacanta ee Tampere.  Wali lama oga tirada saxda ah ee u nuglaatay feyruska, waxaana haatan lagu guda jiraa caddeynta arrinkaas.

Maamulaha dugisga sare ee farsamada gacanta Annti Saarinen ayaa shegay, in shaqadii iskuulka ee maanta ay caadi u soconeyso. Sida uu maamulhu sheegay waqtiga uu qofku feyrusku ku dhacay  ma ahayn xilligii shaqada ee iskuulka. Astaamaha xanuunka waxaa qofkaas laga helay Sabtidii.

Xarunta waxbarashada ee dugsiga waxaa dhigata 300 oo ardayda dugsiga sare ah iyo 3 000 oo ardayda macahadka xirafadlayaasha ah.

Arrinka warkaan waxaa markii ugu horreeyay soo sheegay wargeyska Aamulehti.

Magaalada Jämsä in kabadan boqol arday ayaa loo soo jeediyay in ay go’doon galaan

 Magaalada Jämsä tobaneeyo qof ayaa la geliyay karantiil khasab ah, sidoo kale illaa laba boqol dad gaaraya ayaa waxaa la siiyay talosoojeedin xoog leh oo ah in galaan go’doomin gaar ah, kaddib markii magaalada laga helay laba xaaladood oo cusub oo faafista feyruska korona ah.

Goobaha faafista feyruska laga helay waxaa ay kala yihiin xafiiska waxbarashada isutagga degmooyinka Jämsä ee Gradia iyo macahdka waxbarashada masiixiga ee Jämsä. Dadka u nuglaaday feyruska waxaa lagu qiyaasayaa illaa iyo 40 qof, kuwaasoo 20 ka mid ah la geliyay karantiil khasab ah.

Ingiriiska oo la diiday isuimaatinka wixii ka badan 6 qof

Xaaladda feyruska korona ee dalka Ingiriiska oo ka soo dareysa awgeed, ayaa laga bilaabo Isniinta soo socota waxaa la joojiyay wixii kabadan isu imaatinka 6 qof ee goobaha guud iyo kuwa khaask ah ee dibadda iyo gudahaba.

Qofkii jabiya xadayntaas dawladdu ay soo rogtay waxaa lagu ganaaxi doonaa 100 £ oo lacagta dalka Ingiriiska ah, sidaasna waxaa sheegtay idaacadda BBC-da ee Ingiriiska.

Xadayntaasu ma khuseyso qoyska ka kooban wixii ka badan lix qof. Sidoo kale xadayntaas ma khuseyso iskuullada, goobaha shaqada, iyo xafladaha ay suurtaggalka tahay in masaafadii ammaanka ahayd la isu jirsado, sida aroosyada, aasitaanka meydka iyo tartamada ciyaaraha.

Waxaa kaloo intaas dheer in maqaaxiyaha iyo baararka waaweyn ay halkii marba joogi karaan wax ka badan lix qof, haddii kooxda isla socota ee lixda qof ugu badaan ah ay isu jiraan masafadii ammaanka ahayd ee la soo jeediyay.

Gobolka Viktoriya ee dalka Austaraaliya oo 76 qof oo cusub laga helay feyruska, 11 qofna ay u dhinteen

Gobolka labaad ee ugu dadka badan Austaraaliya ee Viktooriya ayaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa laga helay 76 qof oo hor leh oo uu ku dhacay feyruska korona, iyadoo 11 qofna ay feyruska u dhinteen. Tiradaas waxaa ay ahayd mid ka badan tii laga helay maalinkii ka horreeyay. Magaalada Melbourne ee caasimadda Viktooriya, waxaa wali ka jira xadaynta dhaqdhaqaaqa ee aadka u adag, taasoo socon doontaa illaa iyo 28-ka bishan sagaalaad.

Sdioo kale dabagalka ama raadraaca feyruska ayaa gobolkaas laga xoojin doonaa, si loo qaboojiyo xaaladda feyruska korona ee gobolka.

Baraziil

 Tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 14 279 qof, waxaana dhimashadu ay noqotay 500 oo qof.

Tirada guud ee illaa iyo waqtigan uu ku dhacay feyrsuka waa 4,1 milyan oo qof, halka tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis ay ka tahay 127 000 oo qof.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters tirada guud ee caalamka oo dhan uu ku dhacay feyruska korona waa 27,47 Milyan, waxaana tirada guud ee dhimashadu ay gaareysaa 893 000 oo qof. Waddamada ugu badan ee dhimashada feyruska korona ay ka dhacday waa Maraykanka, Baraziil, Hindiya iyo Meksiko.

Hindiya

Tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 89 kun 706 qof oo cusub iyo 1115 qof oo u dhintay feyruska, sidaasna waxaa sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay feyruska waa 4,3 milyan oo qof, iyadoo tirada guud ee dhimashaduna ay tahay 73 kun 890 qof.

Meksiko

Tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 5351 qof oo cusub iyo 703 qof oo u dhintay feyruska, sidaasna waxaa sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay feyruska waa 642 860 qof, iyadoo tirada guud ee dhimashaduna ay tahay 68 484 qof.

Faransiiska

Tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 6544 qof oo cusub iyo 38 qof oo u dhintay feyruska, sidaasna waxaa sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay feyruska waa 335 524 qof, iyadoo tirada guud ee dhimashaduna ay tahay 30 764 qof.

Koonfur Afrika

Tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 1079 qof oo cusub iyo 82 qof oo u dhintay feyruska, sidaasna waxaa sheegtay wasaaradda caafimaadka oo bayaan arrinkaas ku saabsan soo saartay.

Tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay feyruska waa 640 000 qof, iyadoo tirada guud ee dhimashadana ay tahay 15 kun 86 qof. Waxaana ka bogsaday feyruska illaa iyo haatan 567 729 qof.

Masar

Tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 187 qof oo cusub iyo 19 qof oo u dhintay feyruska, sidaasna waxaa sheegtay wasaaradda caafimaadka oo bayaan arrinkaas ku saabsan soo saartay.

Tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay feyruska waa 100 228 qof, iyadoo tirada guud ee dhimashadana ay tahay 5560 qof. Waxaana ka bogsaday feyruska illaa iyo haatan 79 kuun 886 qof.

Duqa magaalada Newyork oo ku eedeeyay Trump in uu sabab u yahay faafista cudurka ee gobolkaas

Duqa magaalada Newyork Andrew Mark Cuomo ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maraykanka  Donald Trump, in uu sabab u noqday feyruska ku faafay magaalada Newyork, daahista uu la daahay xayiraadda dhanka safarka ee dadka ka imaanaaya dalalka Yurub awgeed.

Mr. Cuomo waxaa uu Trump iyo xukumaadda federaalka ah ku dhalleeceeyay in aanay soo gudbin maalgelintii ku habboonayd wax ka qabashada feyruskan safmarka ah. Dhanka kalena afhayeenka aqlka cad Judd Deere ayaa bayaan uu aqalka cad soo saaray ku tilmaamay in Cuomo uu yahay shakhsi ay asiibtay waalli aad u weyn.

Maalintii Talaadada ee 8.9. ayaa waxaa sii kordhay tirada dhimashada ee feyruska korona ee dalka Maraykanka  oo gaartay 193 897 oo qof, halka tirada dadka uu ku dhacay feyruskuna ay kor u dhaaftay 6 milyan 506 39 qof.

Isha warka / yle, Aljazeera