Finland waxaa laga helay maanta 195 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 1xaaladood oo dhimasho ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Jimco 30.4.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 195 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 86 808 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 3 175 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 54 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay116 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 26 qof , iyo gobolka Etelä-Karjala oo  laga helay 16 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 46
Espoo 29
Imatra 16
Vantaa 13
Turku 10
Salo 7
Kirkkonummi 7
Kerava 6
Hyvinkää 5
Oulu 4
Hämeenlinna 4
Marttila 3
Liminka 3
Laitila 3
Tampere 3
Raisio 2
Seinäjoki 2
Janakkala 2
Kauniainen 2
Pietarsaari 2
Järvenpää 2
Tornio 2
Porvoo 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 126 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  31 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 914 qof. Kaddib markii ay THL shaaca ka qaaday maanta geerida Hal qof oo hor leh oo u dhintay feyruska awgiis. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 28 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 5 374 oo qof, kuwaasoo 4 521 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 852-da kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 664 774 oo qof (30.04).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 151 578 975 50 103 517
Tirada u dhimatay feyruska 3 184 990 1 064 553

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 587 788 38 994 945
Tirada u dhimatay feyruska  121 848 515 518

 Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 18,754,984   386 888    3 501  208 313
Baraaziil 14,592,886     69 079    3 074  401 417
Faransiiska  5,592,390     26 538       364  109 731
Turkiga  4,788,700     37 674       339    39 737
Jarmalka  3, 379,387     27 913       320    83 338
Arjantiin  2,954,943     26 053       561    63 508
Kolombiya 2,841,934     17 308       505    73 230
Iiraan 2,479,805     19 899       385    71 351

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 973,604   5 937     14 015
63 Denmark 250,554    769    2    2 483
88 Norwey 112,541    385    1       754
159 Iceland  6 466    10              29
42 Saudi-Arabia  416,307    1 062    11    6 946
133 Soomaaliya  13,915             713

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS