Wararka caalamka ee maanta iyo feyruska korona

Finland waxaa laga helay 147 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Axad 04.10.2020 laga helay feyruska korona 147 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 10 538 qof.

Afar iyo tobankii maalmood ee la soo dhaafay waxaa dadka cusub ee laga helay feyruska ay tiradoodu gaareysaa in ka badan 869 xaaladood ee labadii toddobaad ee ka soo horreeyay.

Xaaladda soo ifbixitaanka feyruska korona ee dalkan Finland ayaa  haatan mareysa 25.8 qof boqolkii kun ee qof ee kasta.

Waxaana sidaas uu dalkaan Finland ku galay liiska dalalka xaaladdoodu khatarta tahay ee cassaanka ama guduudka ah,  ee tusaalaha samaafaraha gaadiidka ee ay iyadu samaysay, kaasoo lagu kala tilmaamayay xaaladda faafista feyruska ee dalalka caalamka.

Vaasa oo xaaladda faafista feyruska korona ay kor u sii kaceyso

Waaxada caafimaadka iyo arrimaha bulshada ee Vaasa ayaa maanta oo Axad ah soo jeedisay arrimo cusub oo looga hortagaayo xaaladda faafista feyruska ee gobolkaas oo kor u sii kacaysa. Sida waaxda caafimaadku ay sheegtay waxaa gobolku uu ku jiraa darajada afaraad ee shanta darajo ee laga dejiyay nooca xaaladda faafista cudurka ee khatarta ah. Illaa iyo haatan 173 qof ayaa laga helay feyruska korona, waxaana faafista cudurku ay ku badan tahay dhallinyarada dhexdooda, gaar ahaan kuwa ardeyda ah.

Talosoojeedinta cusub ee soo baxday ayaa ah in ardeyda dugsiyada sare iyo kuwa macaahidda iyo jaamacadaha ay waxbarashada ku dhigan doonaan dhanka internetka, sidoo kale tababarkii shaqada  ee ay ku jireen ardayda caafimaadka iyo arrimaha bulshada ayaa la joojiyay. Waxaa sidoo kale la soo jeediyay in aan tiro badan oo dad ah la isugu imaan, iyo in dadku ay isu jirsadaan masaafada 1-2 mitir.

Waqooyiga Karjala oo wali ay ka socoto hawshii dabagalka dadkii u nuglaaday feyruska korona

Sida ay sheegeen isutagga degmooyinka ee waaxda caafimaadka iyo arrimaha bulshada waqooyiga Karjala (Siun sote), waxaa isbitaalka dhexe ee waqooyiga Karjala iyo Joensuu lagu arkay u nuglaan feyruska koronaha ah oo aad u ballaaran oo cusub. Waxaana maanta la helay lix xaaldood oo cusub oo faafista cudurka ah.

U nuglaanta cusub waxaa ay la xiriirtaa faafistii feyruska korona ee la xaqiijiyay 1-dii bisha Oktoobar, taasoo ay feyruska u nuglaadeen 3 bukaan oo isbitaalka ku jirey iyo 18 shaqaalaha isbitaalka ah, sidoo kale waxaa jirey tobaneeyo qof oo kale oo faafista cudurku ay ka soo gaartay dhanka dadka ehelkooda ah iyo wadaxiriir ay sameeyeen xilligii ay danahooda magaalada ka dhammaysanayeen.

Halkan waxaan ku xuseynaa faafista feyruska korona ee qaar ka mid ah dalalka caalamka

 Ruushka

 Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalka Ruushka, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waa 10 499 qof oo cusub. Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 17 qof oo hor leh, waxaana illaa haatan u dhintay feyruska tiro gaareysa  21 358 qof.

Ingiriiska

 Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Ingiriiska, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 12 872 qof oo cusub. Sida ay dowladda Ingiriisku sheegtay waxaa tiradaas ka mid ah tirooyin aan hore loo sheegin oo waqti hore ahaa. Sidoo kale tirada dhimashada ayaa iyana kor u sii socota. Sabtidii waxaa u dhintay 49 qof oo hor leh, waxaana tirada guud ee dhimashada feyruska korona ee ingiriiska ay gaareysaa 42 317 qof.

Jarmalka

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Jarmalka tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 2279 qof oo cusub, iyadoo tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay feyruska waxaa ay kor u dhaaftay 299 237 oo qof. Dhimashada ayaa iyaduna gaareysa 9529 qof.

Xigasho: YLE iyo Aljazeera