Warar dheeraad ah oo ka soo baxay dhacdadii murugga lahayd ee ka dhacday dugsi ku yaal Vantaa iyo calanka Finland oo maanta hoos loo dhigay

Kuva-Abdi-Musse SSMV

Booliska ayaa maanta ka warbixiyay baaritaanka weli socda ee lagu hayo toogashadii shalay ka dhacday dugsiga hoose-dhexe ee Viertola, magaalada Vantaa, halkaas oo uu ku dhintay arday 12 sano jir ah labo kalana uu ka soo gaaray dhaawac halis ah.

Ardayga la-tuhunsanaha ah oo isna 12 sano jir ah ayaa la sheegay in uu dhowaan u soo guuray magaalo Vantaa isagoona dugsiga dhiganayay 11 todobaad oo kaliya.

Booliska ayaa sheegay in sababta keentay falka toogashada ah ay tahay dhibitaan ardaygan lagu dhibay dugsiga, taasina waxay ku riixday in uu caro iyo ciil dartiis rasaas ula dhaco arday ka mid ahaan kuwa fasalka la dhigta.

Sida ku cad warbixinta boolisa, la-tuhunsanuhu wuu qirtay falkan waxaana xusid mudan in mar haddii uu 15 sano ka yaryahay aanan maxkamad la seeri karin, xabsi lagu xukumi karin, maadama aanu ahayn sida uu sharciga Finland dhigayo da’ ahaan mid eed-qaad ah.

Baaritaanka ayaa weli socda, waxaana maanta inta badan dalka Finland hoos loo dhigay calanka dalka si loo muujiyo tiiraanyadan taabatay shacabka iyo madaxda Finland.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay in wiilka dembigan lagu tuhunsan yahay uu yahay Muwaadin u dhashay Finland.

Wiilka rasaasta ku dhintay ayaa ah Muwaadin Finnish ah. Labada dhaawaca ah waa gabdho. Labada gabdhood mid ah ayaa ah Finnish halka tan kalana ay tahay muwaadinad heysata jinsiyadda Finland iyo Kosovo.

SSMV