Mudada karantiilka iyo go’doominta feyruska korona oo la soo gaabshay laga bilaabo 12.10.20

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa sheegtay in mudadii go’doominta iyo karantiilka ee la xiriirey feyruska korona, la soo gaabin doono oo laga dhigaayo 10 maalmood halkii uu awal ka ahaa 14 maalmood, laga bilaabo 12.10.2020.

Dhakhtarka sare ee hay’adda THL Taneli Puumalainen ayaa sheegay in baaritaanno badan oo la sameeyay ay caddaynayaan in kalabar dadka uu ku dhacay xanuunka feyruska korona, uu xanuunku ku soo baxo muddo 5 maalmood gudahood ah laga soo bilaabo xilligii ay feyruska u nuglaadeen oo ay la kulmeen qofka siday feyruska, inta ugu badanna waxaa xanuunku ku soo baxaa muddo 10 maalmood gudahood ah. Waxaana Puumalainen uu sheegay in dad aad u yar ay mudadaas kaddib xanuunsadaan.

Caabuqa koroonaha ee aadka u fudud, ee aan u baahneyn daryeelka isbitaalka, ayaa mudadii go’doominta ee 14 ka maalmood aheyd waxaa laga dhigayaa 7 cisho oo kaliya. Si kasta waxaa ay hay’adda THL xusuusineysaa dadka in guri ku go’doominta qofka la geliyo uu ka soo bixi karo, marka uu muddo laba maalmood ah, uu ahaa qofku mid aan laheyn wax astaamaha cudurka korona ah.

Haddii astaamaha qofka ku haray ay yihiin oo kaliya isbeddel ka jira xagga dareenka urta iyo dhadhanka ama uu hayo juucjuuc yar oo khafiif ah, loooma baahna in go’doominta la sii wado.

Sida uu sheegay Puumalainen qofka uu ku dhacay caabuqa feyruska korona, waxaa uu cudurka faafin karaa laba maalmood kahor inta aysan astaamaha cudurku ku bilaaban iyo dhowr maalmood kaddib marka astaamuhu ay ku bilowdeen. Wixii intaa ka dambeysana faafista waa ay soo yaraaneysaa, gaar ahaan marka caabuqu yahay mid aad u fudud.

Xaaladda xanuunka feyruska ee aadka u daran ee u baahan daryeelka isbitaalka, ayaa wali mudada go’doominta ay tahay sideedii hore 14 maalmood. Go’doominta waxaa loola jeeda in qofka uu cudurka korona ku dhacay laga go’doomiyo dadka caafimaadka qaba.

Xigasho:YLE