War degdeg ah: Dagaalka Yukreyn oo weji kale yeeshay: Finland oo diyaarinaysa go’aan ay dalkeeda uga cayrinayso Diblumaasiyiin Ruush ah

Pekka Haavisto (Green League)

Helsinki- War-sidaha Iltalehti oo soo xiganayay ilo-wareedyo ku xeeran xafiiska wasiirka arrimaha dibadda Finland, Pekka Haavisto ayaa sheegtay in xukuumadda Finland ay diyaarinayso qorshe iyo go’aan dalka looga masaafurinayo diblumaasiyiin Ruush ah.

Tallaabadan ayaa haddii ay dhacdo noqonaysa mid dhalin karta falcelin aan la saadaalin karin oo ka timaada dhanka Ruushka.

Dhanka kale dowladda Iswiidhishka ayaa ku dhawaaqday in ay dalkeeda ka cayrinayso saddex diblumaasi oo Ruush ah, tuhun basaasnimo oo diblumaasiyiintaas soo galay darteed.

Dowladda Danishka (Deenmaarki) ayaa dhankkeeda sheegtay in 15 diblumaasi oo Ruush ay dalkeeda ka cayrinayso. Faransiiska ayaa isna Isniinta shalay ahayd ku dhawaaqay in uu dalkiisa ka cayrinayo 35 diblumaasi oo Ruush ah.

Sababaha inta badan ay dowladahan Yurubtu u cuskadeen cayrinta diblumaasiyiinta ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto xasuuqa shacabka ee ka dhacay magaalada Butša oo lagu eedeeyay in uu Ruushku ka dambeeyay.

Warar dhanka Ruushka ka soo baxaya ayaa sheegaya, in Putin iyo xulufadiisu ay si adag uga falcelin doonaan go’aannada ay dalalka Yurub qaarkood ku masaafurinayaan diblumaasiyiintiisa.

Isha warka: Iltalehti, Reuters