Waalidiin Finnish ah oo caruurtooda heyb-sooc luuqadeed lagula sameeyay Iskuul ku yaala Bariga Iswiidhan oo ka dacwooday Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Yurub

Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Yurub oo la geeyay dacwad ku saabsan qaabka dowladda Iswiidhan ula dhaqantay arday dhigata Iskuul ku yaala magaalada Västerås oo ku hadasha Luuqadda Finnish-ka.

Kiiska oo ka dhacay Iskuul ay wax ka bartaan caruur ku hadasha Af-ka Finnishka ayaa lagu eedeeyay iskuulka in uu ka mamnuucay caruurtaas ku hadalka Luuqadda Finnish-ka fasalka dhexdiisa, goobaha cayaaraha ee iskuulka iyo xilliyada lagu jiro safarada ardayda iskuulka.

Waalidiinta ayaa ku dacwooday in caruurtooda la heybsoocay, laguna ciqaabay ku hadlis la’aanta luuqadda Iswiidhishka. Maxkamada Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ECHR ayaa go’aan ka gaari doonta in Iskuulka iyo dowladduba qaadeen tallaabo ku haboon oo ay kaga hortagayaan faquuqa ku saleysan luuqadaha dadka laga tirada badan yahay.

Luuqadaha Finnish-ka, Sami, Yiddish, Romani iyo Meänkieli ayaa ah luuqadaha dadka laga tirada badan yahay ee uu sharciga Iswiidhan ilaaliyo, taasoo ujeedkuna yahay in dadka ku hadlaa la siiyo tixgelin iyo metelaad caddaalad ku dhisan sida uu qabo Sharciga Iswiidhan.

Sharciyaqaanadaiyo waalidiinta dacwadda geeyay maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ayaa ku dacwooday in caruurtooda la heyb-soocay, ayna handadeen shaqaalaha iskuulka iyo kuwa dowladda. Waalidiinta ayaa caruurtooda ka joojiyay inay aadista iskuulka illaa maxkamaddu go’aan arintaan ku saabsan ka gaarto.

Isha Warka: Helsinki Times
Xuquuqda Sawirka: Lehtikuva