Uusimmat tiedot korontilanteesta Suomessa somaliksi

Novel Coronvirus Update. Photo: WHO

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Korona ee Finland

8.6.2020, 18.36 saac (Wakhtiga Helsinki) Finland
Guud ahaan dalka Finland lagama diiwaangelin wax kiis ah oo cusub.

Tirada guud ee kiisaska fayruska Korona ee baaritaanka shaybaarka lagu xaqiijiyay maanta waa 7001.
Tiradii shalay waxaa ku korortay 20 kiis.

Waxaa isbitaalka lagu dabiibayaa 32 (2 kiis ayeey tiradii shalay hoos uga dhacday) qofood halka qaybta gargaarka degegga ah ay ku jiraan 6 qofood (waxba kuma kordhin tiradii shalay).

Illaa iyo hadda waxaa la diiwaangeliyay 323 qofood (waxba kuma kordhin tiradii shalay) oo fayruska Korona u geeriyootay.

Hay’adda Caafimaadka iyo nololwanaagga Finland (THL) waxay sheegtay in kiisaska Korona ee ugu badan laga helay Helsinki marka la barbardhigo magaalooyinka kale waxaana magalaada deggan 2661 (4 kiis ayaa tiradii shalay ku korortay) qofood oo laga helay fayruska Korona.

Xigasho: YLE/THL