Ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta oo safaro shaqo ku kala bixiyay waddamada Geeska Afrika (Warbixin faahfaahsan)

Diblumaasi Suldaan Said Ahmed iyo Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud
Wasiir Fiqi iyo Diblumaasi Suldaan- xuquuqda sawirka: Radio Dalsan

War rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiirka iyo ergayga gaarka ah ee dowladda Finland u qaabilsan Geeska Afrika ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Finland.

Ka sokow xoojinta xiriirka labada waxay labada mas’uul ka wadahadleen waxyaabaha ka soo cusboonaaday gobolka iyo in labada dhinac ay iska kaashaadaan hawlaha nabadaynta iyo xasilinta gobolka.

DIBLUMAASI SULDAAN SAID AHMED ayaa sidoo kale magaalada Muqdisho kula kulmay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya mudane Ali Yusuf Ali Hosh.

Wasiir-Hosh-iyo-diblumaasi-Suldaan-xuquuqda-sawirka-Moifar-Wasaaradda-Arrimaha-Gudaha-Federaalka-Dib-u-heshiisiinta

Wasiirka iyo ergayga Finland u qaabilsan nabadda Geeska Afrika ayaa ka wadahadlay arrimaha dib u heshiisiinta iyo dhexdhexaadinta iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo doorka dhallinyaradu ku leedahay kuna yeelan karto geeddi-socodka nabadda dalka.

SULDAAN SAID AHMED oo weli bartanka uga jira kulamadiisa diblumaasiyadda iyo nabadda la xiriira ayaa kulan la qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Shiikh.

Madaxweyne Shariif Sheikh Ahmed iyo Diblumaasi Suldaan Said Ahmed- xuquuqda sawirka: X-Sheikh Shariif

Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Ahmed oo kulanka kaddib bartiisa rasmiga ah ee X (Twitter) ku shaaciyay kulanka ayaa sheegay, in uu kulan muhiim ah la qaatay ergayga gaarka ah ee dowladda Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in uu kulanka mahadnaq uga jeediyay dowladda Finland oo taageero dhinacyo badan leh siisa Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in uu ergayga kala hadlay arrimaha qaranka iyo mudnaanta ay leedahay in saamilaydu ay wadajir uga qaybqaataan nabadda iyo xasilinta iyo in sidoo kale meel dhexe oo wadar-oggol la isugu yimaado, marka ay joogto dibu habaynta dastuurka Soomaaliya.

”Mudane Maxamed Bare Mohamud iyo xildhibaanno dhallinyaro ah oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay kulan casho-sharaf ah iigu sameeyeen Muqdisho, halkaas oo aan sidoo kale uga hadlay muhiimadda ay leedahay in dhallinyaradu door weyn ka qaadato nabadda iyo xasiloonidda.

Waxaan sidoo kale Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga Soomaaliya mudane Maxamed Bare Mohamud u geeyay casumaad rasmi ah oo uu Finland ku imaanayo bisha Maajo (May) ee soo socota.” Ayuu yiri Suldaan Said Ahmed.

IYADOO MAANKA LAGU HAYO DOORKA ay dhallinyaradu ku leedahay nabadda iyo xasilinta dalka, ayuu Mudane Suldaan Said Ahmed, ergayga gaarka ah ee nabadda iyo dhexdhexaadinta geeska Afrika u qaabilsan xukuumadda Finland kulan wadatashi iyo xog-wareysi ah la yeeshay qaar ka tirsan ardayda dhallinyarada ah ee u darban wax ka qabashada arrimaha bulshada.

Kulanka-dhallinyarada-iyo-Suldaan-xuquuqda-sawirka-Elina-Saaristo-Diatta

Dhallinyarada ayaa ergayga uga warbixiyay hindisahooda la xiriira taageerada caafimaadka dhimirka iyo dhayidda dhaawacyada qalbiga ee colaadaha ka dhashay.

Ergayga gaarka ah ayaa dhanka kale u kuurgalay fursadaha ay dhallinyaradu uga qaybqaadan karaan nabadda iyo xasilinta dalka.

SULDAAN SAID AHMED ayaa kulan miradhal ah oo nabadda iyo dhexdhexaadinta la xiiira la yeeshay madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya, mudane Abdiaziz Hassan Laftagareen.

Madaxweyne-Koonfur-Galbeed-Soomaaliya-Laftagreen-iyo-Suldaan

Diblumaasi Suldaan iyo Madaxweyne Laftagareen ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta nabadda iyo xasiloonida deegaanka.

ITOOBIYA

DIBLUMAASI SULDAAN SAID AHMED ayaa sidoo kale kulan la qaatay wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Danjire Mesganu Arga.

Ambassador-Mesganu-Arga-iyo-Diblumaasi-Suldaan-xuquuqda-sawirka-The-Ministry-of-Foreign-Affairs-of-Ethiopia

Kulanka ayeey wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ka soo saartay war ku saabsan kulanka labada dhinaca iyo waxyaabaha looga hadlay.

Horumarinta xiriirka laba-geesoodka ee Itoobiya iyo Finland iyo guud ahaan nabadda geeska Afrika iyo weliba xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ka jira ayeey labada mas’uul si qoto-dheer uga hadleen waxayna isla garteen sida aan looga maarmin nabad ku-wada-noolaanshaha dalalka Geeska Afrika, ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Kulan xarunta Midowga Afrika ku dhexmaray Ergayga Gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika Mudane Suldaan Said Ahmed iyo Safiirka Midowga Afrika u qaabilsan Suudan mudane Mohamed Belaiche ayaa looga hadlay xaaladda cakiran iyo colaadda sannadku u buuxsamay ee dalkaas ka socota.

Danjire Mohamed Belaiche iyo Diblumaasi Suldaan

Diblumaasi Suldaan ayaa kulanka ka sheegay in uu bogaadinayo islamarkaana taageerayo dadaallada uu Midowga Afrika ka wado dalka Suudan, wuxuuna hoosta ka xariiqay lagama-maarmaannimada joojinta colaadda Suudan iyo wax ka qabashada rafaadka iyo silica heysta shacabka dalkaas.

ERGAYGA GAARKA AH FINLAND U QAABILSAN NABADDA GEESKA AFRIKA, Suldaan Said Ahmed oo ay wehliso danjiraha Finalnd ee dalka Itoobiiya Danjire Sinikka Antila ayaa booqasho ku tegay Dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxayna caasimaadda maamulkaas ee Jigjiga kula kulmeen Guddiga hoggaamiyayaasha dhaqanka.

Suldaan iyo Hoggaanka dhaqanka DDS-xuquuqda sawirka Sinikka Antila

Suldaan iyo Sinikka iyo Hoggaanka dhaqanka deegaanka ayaa fikrado wax ku-ool-ah isku weydaarsaday kulankooda. Madaxweyne ku xigeenka dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudnae Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa dhanka kale qado-sharaf ugu sameeyey labada mas’uul magaalada Jigjiga.

JABUUTI

NABAD-JIRE SULDAAN SAID AHMED ayaa Jabuuti kulan rasmi ah kula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mudane Mahmoud Ali Youssouf waxayna labada mas’uul ka wadahadleen xaaladda siyaasadeed ee geeska.

Diblumaasi Suldaan iyo Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mahmoud Ali Youssouf

Diblumaasi Suldaan ayaa Dowladda Jabuuti ku ammaanay doorka shariifka ah ee gobolka ka ciyaarto. Sidoo kale mudane Suldaan ayaa kulamo kale la qaatay Wasiirka arimaha Gudaha jabuuti mudane Siciid Nuux Xassan, qaar kamida ganacsatada Jabuuti iyo safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya mudane Cabdi Maxamuud Eybe.

MUDANE SULDAAN OO WELI KULAMADIISI JABUUTI ku guda-jira ayaa sidoo kale Xarunta Ururka Goboleedka IGAD ee magaalada Jabuuti, caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti kula kulmay madaxda Ururkaas gaar ahaan Mudane Mohamed Abdi Ware, ku xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Ware iyo Suldaan- Xuquuqda sawirka- IGAD

Mudane Ware oo kulan kaddib bartiisa X soo dhigay war rasmi ah ayaa sheegay in uu warqadaha aqoonisga ergaynimo ka guddoomay Mudane Suldaan Said Ahmed, ergayga gaarka ah ee dowladda Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika.

Waxaa kale oo Jabuuti ka dhacay kulamo dhexmaray Ergayga gaarka ah iyo diblumaasiyiinta reer Yurub ee jooga dalkaas sida safiirka Jarmalka u fadhiga Jabuuti Dr. Heike Fuller.

Kulamada ergayga iyo diblumaasiyiinta ayaa qayb ka ah dadaallada uu horseedka ka yahay Diblumaasi Suldaan ee lagu xoojiyo nabadda iyo xasiloonidda gobolka.

Safarka uu Ergayga Gaarka ah ee Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika ku soo maray dalalka Gobolka ayaa qayb ka ahaa hawsha baaxadda leh ee hortaala Ergayga lana xiriirta bari-taageeridda dadaallada nabadaynta, xasilinta iyo dhexdhexaadinta ee dowladda Finland ka waddo Geeska Afrika ergayguna uu horseedka ka yahay.

Waxaa kale oo mudan in la xuso, sida ay dowladda Finland uga go’antahay nabadaynta iyo horumarinta gobolka Geeska Afrika, gobolkaas oo aad looga qaddariyo doorka dhexdhexaadnimo ee ay Finland ka ciyaarto arrimaha cakiran ee deegaanka iyo guud ahaan caalamka.

SSMV