Ururka Somalitoons oo markii saddexaad Helsinki ku qabtay maalinta dhaqanka Af-ka Soomaaliga

Ururka Somalitoons oo Munaasabad lagu maamuusayo maalinta dhaqanka ku qabtay magaalada Helsinki. Sawirka: SSMV

Waxaa maanta oo ku beegan 27.1.2024 lagu soo bandhigay Xarunta Vuotalo ee Bariga Helsinki dhaqanka Soomaalida, halkaas oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne fara badan oo kala kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida.

Hamdi Geddi oo ay ninka qaba wada aasaseen shirkadda Somalitoons oo madasha furtay ayaa ugu horreyn si kal-iyo-laab ah u soo dhoweysay ka qaybgalayaasha.

Hamdi Geddi oo ka mid ah aas-aasayaasha shirkadda Somalitoons oo madasha furtay ayaa ugu horreyn si kal-iyo-laab ah u soo dhoweysay ka qaybgalayaasha. Waxay Hamdi sidoo kale mahadnaq u jeedisay dadka iyo ururada gacanta ka geystay hirgelinta maalintan taariikhiga ah ee lagu soo bandhigo dhaqanka Soomaalida.

Waxaa kale oo madasha ka soo qaybgalay aqoonyahanno, barbaariyayaal, qoraayaal iyo dad aqoon u leh cilmiga dhaqanka iyo barbaarinta.

Macallin, qoraa iyo hal-abuur Prof. Mohamed Hassan (Aalto) ayaa madasha ka aqriyay gabay uu tiriyay,

Madashan oo ay markii saddexaad la qabtay waxaa soo qabanqaabiyay Somalitoons ah shirkad soosaartay muuqaallada karaatoontada ah oo af-soomaali loo tarjumay, kuwaas oo tayo ahaan u dhigma karaatoonta ay soosaaraan shirkadaha caalamiga ah.

Macallin, qoraa iyo hal-abuur Prof. Mohamed Hassan (Aalto) ayaa madasha ka aqriyay gabay uu tiriyay, kaas oo uu kaga hadlayay hooyada iyo heerarka ay soo marto barbaarinta ilmuhu laga soo billaabo uur-ku-qaadista.

Nimco Nuur oo ka mid ah qorayaasha Soomaalida ayaa iyaduna dhankeeda ka sheegtay in la joogo wakhtigii looga faa’iidayn lahaa carruuurta Soomaaliyeed agabka barashada afkooda u fududaynay ee madasha lagu soo bandhigay sida karaatoonka maqal-muuqaalka ah ee Somalitoons iyo weliba ilays af-Soomaali oo ay iyadu diyaarisay.

Macallin Liiban Ali Hersi oo cilmibaare iyo macallin ka ah Jaamacadda Helsinki oo ka hadlay madasha ayaa ku dheeraad muhiimadda ay leedahay barashada afka hooyo, sida ay aqoonta uu qofku u leeyahay afkiisa hooyo ay qayb libaax uga qaato barashada tacliinta iyo afafka kale.

Macallin Liiban Ali Hersi oo cilmibaare iyo macallin ka ah Jaamacadda Helsinki oo ka hadlay madasha, Sawirka SSMV

Macallin Liban ayaa dhanka kale ka hadlay hababka Afka Soomaaliga looga barto Jaamacadda Helsinki oo muddo kahor laga billaabay barashada Afka Soomaaliga oo takhasus ah. Habraaca barashada Afka Soomaaliga ee Jaamacadda   Helsinki oo aad loo danaynayay ayuu Macallin Liibaan uga hadlay warbixintiisa.

Qoraaga buugga Liibaan Libaax oo kor u haya buugga intii lagu gudajiray maalinta dhaqanka Af-Soomaaliga
Qoraaga buuggaaga Ileys oo ku soo bandhiay intii lagu guda jiray maalinta dhaqanka Af-Soomaaliga.

Sidoo kale waxaa madasha ku soo bandhiay hal abuurkooda qorayaasha buugaagta Ileys, Liibaan Libaax, Somalitoons.  Waxaa kale oo madasha keenay Shaah macaan maqaayadda Martisoor.  Waxaa kale oo meesha ay gabdho Soomaaliyeed ku soo bandhigeen Kareemo kala duwan oo ay gacantooda ku sameeyeen.

Hay’adaha sidoo kale ku soo bandhigay agabkooda waxaa ka mid ah madxafka Ateneum iyo xarunta Arts caruurta ee Anantalo.

Xuquuqda qoraalka iyo sawirada: SSMV