Golaha Masaajidda Finland oo isku afgartay Jadwalka salaadaha iyo Bisha Barakaysan shir ka dhacay Masjidka Al-Hudda Pasila ee Helsinki

Wakiillada Masaajidda Finland ee kala ah  Al-Hudda-Pasila, Assalam-Kontula, Bilal-Malmi, Bilal-Länsimäki, Masjid Al-Rahma- Itäkeskus, Masjid Nuur-Espoo, Masjid Taqwa-Leppävaara, Masjid Taqwa-Kannelmäki, Masjid Hiddaaya-Malmi, Masjid Abubakar Sadiiq-Matinkylä, Masjid Salama-Myyrmäki oo maanta ku kulmay Masjidka Al-Hudda ee Pasila ayaa ka hadlayay jadwalka Salaadaha, waxqabadyada masaajidda  ee bisha Barakaysan ee oo sannadkii labaad ku soo aadday xilli uu dunida oo dhan ka jiro safmarka Koronaha.

Kulanka ayaa waxaa gu dambayntii ka soo baxay islamarkaasna la isla meel-dhigay arrimahan soo socda:

  • In soonka lagu soomo aragti, laguna afuro aragti sida uu ahaa xadiithka nabiga NNKH, waxaana ay masaajiddu diideen aragtida ah in falaga lagu soomo oo maalinka soonka iyo kan ciidda la sii iclaamiyo. Waxaa kale oo ay masaajiddu islaqaateen in lagu sii socdo go’aankii ay hore u gaareen ee ahaa in soonka iyo ciidda la iclaamiyo marka soonka iyo ciidda laga iclaamiyo Magaalada barakaysan ee Makka .
  • Arrinka jadwalka salaadda waxaa la isku raacay in lagu socdo jadwalkii cusbaa ee masaajiddu soo saareen sannadkaan 2021, maadaama uu yahay jadwal shaqo weyn ay ka qabteen culimadi masaajidda ee loo xilsaaray, sidaas awgeedna uu yahay jadwal dhinac kasta ka sax ah, islamarkaana isaga lagu socon doono wixii hadda ka dambeeya, oo ay ugu horeyso bisha barakaysan ee Ramadaan.
  • Ugu dambayntii waxaa la isla qaatay in dadaalladii iyo howlihii looga hortagaayay faafista feyruska korona halkoodii laga sii wado iyo in gabi ahaanba masaajiddu joojiyeen barnaamijkii afurka jamaaciga ah.