Finland waxaa laga helay maanta 565 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 3 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Khamiis 25.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 565 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 55 687 qof. Toddobadii maalmood ee ugu dambaysay waxaa tirada faafista cudurka ay noqotay 3 478 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 69 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 366 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 67 qof.

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 176 Asikkala 2
Vantaa 74 Kaarina 2
Turku 50 Salo 2
Espoo 44 Seinäjöki 2
Hyvinkää 13 Inkoo 2
Järvenpää 11 Lahti 2
Mikkeli 11 Kouvola 2
Kirkkonummi 11 Karkkila 2
Tampere 10 Virolahti 2
Nurmijärvi 9 Lohja 2
Maarianhamina 8 Pirkkala 2
Jyväskylä 8 Nokia 2
Oulu 7 Kotka 2
Lappeenranta 7 Akaa 2
Vaasa 6 Hirvensalmi 2
Tornio 5 Kemiönsaari 2
Raasepori 5 Raahe 1
Rauma 5 Pöytyä 1
Tuusula 5 Närpiö 1
Riihimäki 5 Punkalaidun 1
Raisio 4 Hammarland 1
Eurajoki 4 Heinola 1
Porvoo 4 Sastamala 1
Kerava 4 Pälkäne 1
Paimio 3 Loppi 1
Jomala 3 Huittinen 1
Hämeenlinna 3 Laukkaa 1
Joensuu 3 Ulvila 1
Kittilä 3 Mäntyharju 1
Kuopio 3 Mäntsälä 1
Pori 3 Uusikaupunki 1
Kauhajoki 1 Pornainen 1
Lempäälä 1 Kangsala 1
Suintio 1 Kauniainen 1
Kärkolä 1    

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 194 qof, tiradaasoo 8 qof ka badan intii daryeelka isbitaalka ku jirtay Talaadadii, Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  36 qof, waxaana Talaadadii kaddib ku soo kordhay 2 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 740 qof, kaddib dhimashada 3 qof oo cusub oo ay sheegtay maanta hay’adda THL.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 759 qof, kuwaasoo 729 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 29-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollaa dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 319 559 qof (25.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       37 036 821     113 172 309
             840 968          2 510 567

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 28,974,623    75 299    2 525  518 363
2 Hindiya 11,046,470    17 144       144  156 742
3 Baraaziil 10,306,008    65 387    1 433  250 079
4 Ruushka   4,200.902    11 749       383    84 430
5 Ingiriiska   4,144,577      9 938       442  121 747
6 Faransiiska   3,661,410   31 519       277    85 321
7 Isbeyn   3,170,644      9 212       389    68 468
8 Talyaaniga   2,848,564    16 424       356    96 666
9 Turkey   2,655,194      9 561         72    28 285
10 Jarmalka   2,416,037    10 774        396    69 610
11 Kolombiya   2,237,542      3 953        142    59 260
12 Arjantiin   2,085,411      8 183        140    51 650
13 Meksiko   2,085,411      8 183        140  181 809
14 Poland   1,661,110    12 147        372    42 808
15 Iiraan   1,598,875      8 270          73    59 736
16 Konfur-Afrika   1,507,448      1 862        110    49 523
17 Ukriane   1,317,694      5 850        152    25 461
18 Indonesia   1,306,141      7 533        240    35 254
19 Peru   1,300,799      7 302        196    45 683
20 Czechia   1,184,511    15 815        133    19 768
21 Netherlands   1,068,960      4 362          63    15 406

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS