Ururka Moniheli oo qabanaya xafladda maalinta xornimada Finland ee dhaqamada badan

Sawirka marti-sharafka ka hadlaysa xafladda maalinta xornimada Finland ee dhaqamada badan- xuquuqda sawirka: Abdirahim Husu Hussein

Helsinki 5.12.2020- Ururka MONIHELI ee mideeya inta badan ururada ay dadka dalka u soo guuray ee Finnishka cusub loo yaqaan ayaa kaa codsanaya in aad kala soo qaybgasho:

Xafladda Maalinta Xornimada Finland ee dhaqamada badan ayaa dhacaysa 6.12.2020, 13.00 (1da duhurnimo). Xafladda waxaa ka hadli doona dad magac ku leh guud ahaan dalka Finland gaar ahaan Finnishka cusub.

Xafladan oo ka duwan xafladihii hore ayaa waxaa toos looga daawan karaa shabakadda internetka iyo kanaalka Helsinki!

Xaaladda safmarka ah ee fayruska Koronaha ayaa sababtay in sannadkan guud ahaan xafladda maalinta xornimada Finland loo qabto qaab maqal-muuqaal ah.

Waxaa kale oo xafladan si toos ah looga socon karaa Facebook iyo Instagramka

Wixii faahfaahin ah kala xiriir www.moniheli.fi

Xuquuqda sawirka:Abdirahim Husu Hussein