Dowladda Finland oo malaayiin Yuuro (Euros) ku bixinaysa daabulka raashinka laga qaadayo Yukreyn ee Soomaaliya la geynayo

Calanka Finland: Photo Mohamed Ibrahim

War rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland ayaa lagu sheegay, in Finland ay ku dhowaad 7 malyan oo yuuro ku bixinayso qaadista cuntada macaawinada ah ee Yukreyn laga qaadayo Geeska Afrikana la geynayo.

Wasaaradda oo warkeeda sii wadata ayaa sheegtay, in kaalmada bani’aadminnimo ee ay deegaankaas ku bixinayaan ay isuggeynteedu tahay 15,7 malyan oo yuuro.

Ku dhowaad 7 malyan oo lacagtaas ka mid ah ayeey wasaaraddu sheegtay, in si gaar ah loogu qoondeeyay kharashka ku baxaya qaadista badarka mucaawinada ah ee Soomaaliya la geynayo iyadoo lacagtaas la sii marsiinayo Barnaamijka Badarka Adduunka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa (WFP).

Wasaiirka Iskaashiga Horumarinta iyo Ganacsiga Dibadda ee Finland, Ville Skinnari oo ka hadlay kaalmadan bani’aadminnimo ee ay Finland u fidinayso Soomaaliya ayaa yiri: – Waa muhiim, in la sii wadi karo cuntada laga qaadayo Yukreyn ee Geeska Afrika la geynayo. Waxaan hawshaas gacan ka siinaynaa WFP.

Dagaalka uu Ruushku ku qaaday Yukreyn ayaa halakkeeyay helista cuntada ee dunidda, sababatoo ah labada dhinac ee dagaalaya; Ruushka iyo Yukreyn ayaa lagu siifeeyay in ay yihiin dalalka ugu soosaarista badan raashinka dunida lagu cuno.

Kolkii uu dagaalku billowday ayaa waxaa muddo bilooyin ah istaagay daabulka cuntada waxaana dood iyo falanqayn dheer kaddib daabulka raashinka dib loo billaabay dhowr bilood kahor.

Warkan wasaaradda Arrimaha dibadda ee Finland ka soo baxay ayaa dhanka kale lagu sheegay, in dalalka dhaca Geeska Afrika ay dhibaato badan ka soo gaartay hakatkii ku yimid daabulka cuntada. Xaaladda raashinka ee deegaanka ayaa dhanka kale sii xummaatay, kaddib markii ay baaqdeen shan xilli-roobeed oo isku xigay, taas oo keentay in aan beeraha la tacban dadka iyo duunyadu ay waayaan wax ay cunaan.

Tallaabadan wanaagsan ee ay Finland qaadday ayaa iimaanaysa kaddib markii uu MP Suldaan Said Ahmed, Ergeyga Gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika uu dhowaan ka dalbaday dowladda Finland in ay sare u qaaddo kaalmada bani’aaminnimo ee ay siiso goobaha ay ka jiraan dhibaatooyinka bani’aaminnimo sida Geeska Afrika.

MP Suldaan ayaa taladaas soojeediyay, mar uu ka soo laabtay safar shaqo oo uu Geeska Afrika ku tegay.

SSMV