Ururka KANAVA Ry iyo Ururka UMIS Förening oo si wadajir ah u fuliyay mashruuca Rights and Respect iyo dhallinyaro badan oo ka faa’iidaysatay (sawirro)

Mashruuca Rhgts and Respec/KANAVA RY

Waxaa xarunta KANAVA Ry ee magaalada Helsinki lagu soo gunaanaday mashruuc ay iska kaashadeen fulintiisa Ururada kala ah Kanava Ry iyo UMIS Förening, kaas oo ay ka qaybgalaan 44 dhallinyaro ah oo u kala qaybsanaa 22 gabdhood iyo 22 wiil.

Mashruuca oo socday intii u dhexeysay 29.10.2022-6.11.2022 ayaa waxaa maalgeliyay Barnaamijka Erasmus+.

Erasmus+ waa barnaamijka maalgelinta ee dhallinyarada, waxbarashada iyo isboortiga ee Midowgya Yurub. Barnaamijka Erasmus+ ayaa ah barnaamij ay dhallinyaro badan oo reer Finland ah ka faa’iidaystaan.

Waxaa xusid mudan in Erasmus+ ay bixisaa fursado dhaqdhaqaaq iyo wadashaqeyn isugu jira oo gaar u ah laamaha tacliinta sare, waxbarashada xirfadeed, waxbarashada aasaasiga ah oo ay ku jirto barbaarin-horaadku, waxbarashada dadka waaweyn, dhallinyarada iyo isboortiga.

Ujeeddada laga lahaa mashruuca ayaa ahayd in wax laga qabto islamarkaasna hoos loo dhigo xadgudubyada, aflagaaddada iyo guud ahaan dhibista ka dhanka ah dhallinyarada asalkoodu soo-galootiga yahay. Waxaa kale oo mashruuca lagu taageerayay sarana loogu qaadayay rabitaanka iyo awoodda ay dhallinyaradu qaab wanaagsan oo rabshad la’aan ah uga falcelin karaa arrimahaas kor lagu soo sheegay xaalad kasta oo ay ku jiraan.

Hadafka mashruuca ayaa sidoo kale ahaa in dhallinyarada la siiyo macluumaadka ku saabsan aasaaska xuquuqul-insaanka ee ay tahay in dhallinyarada muwaadiniinta Midowga Yurub ay ogaadaan.

Hadafka kale ee mashruuca ayaa ahaa kordhinta ogaalka iyo aqoonta dhallinyarada ee ku saabsan ababinta nabadda iyo in ay bartaan macnaha iyo muhiimadda ay nabaddu dunida u leedahay.

Mowduucyada ugu waaweyn ee mashruuca ayaa ahaa ababinta nabadda iyo xuquuqul-insaanka, kuwaas oo ay dhallinyaradu habab kala duwan uga baaraandegeen una falanqeeyeen muddadii uu mashruucu socday.

Waxyaabaha ay dhallinyaradu ka faa’iideen mashruuca ayaa waxaa kamid ah isdhexgal iyo xog-wadaag ku saabsan xaaladda ay dhallinyarada asalkoodu soo-galootiga yahay ku noolyihiin iyo sida ugu mudan ee ay uga qaybqaadan karaa nabadda iyo wadanoolaashaha hufan ee bulsada waddamada Midowga Yurub ee ay ka kala socdeen.

Xuquuqda sawirrada: KANAVA RY

Dhammaad:-