Finland waxaa maanta laga helay feyruska korona 461 qof oo hor leh

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Axad 18.07.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 461 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 100 773 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 75 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska korona sidii caadiga ahayd waa gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 203 qof, waxaa kaalinta labaad ku jira gobolka Pirkanmaa oo laga helay 91qof, iyo gobolka Päijät-Hme oo laga helay 47 qof iyo gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 30.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 112
Tampere 58
Lahti 35
Vantaa 28
Espoo 26
Turku 15
Ylöjärvi 10
Kajaani 10
Kirkkonummi 9
Nokia 8
Jyväskylä 7
Hollola 6
Seinäjoki 6
Mikkeli 5
Kerava 5
Kuopio 5
Lempäälä 4
Kauniainen 4
Sotkamo 4
Porvoo 4
Hyvinkää 4
Raisio 4
Loviisa 4
Lappeenranta 3
Pori 3
Kotka 3
Kaarina 3
Kankaanpää 3
Rauma 3
Salo 3
Asikkala 3
Lohja 3
Jämsä 3
Pirkkala 3
Joensuu 3
Imatra 2
Pälkäne 2
Kangasala 2
Janakkala 2
Ilmajoki 2
Kemi 2
Rovaniemi 2
Oulu 2
Inari 2
Lieto 2
Vaasa 2
Orimattila 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 53 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 12 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 978 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 10 241 oo qof, kuwaasoo 7 891 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 428 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 916 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 6 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 15.07).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3 570 000 oo qof, labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 1 545 189 (20.07.).

Xigasho:YLE,HS