Ururka FinnSom oo kaashanaya safaaradda Finland ee Soomaaliya oo muqdisho ku qabtay madasha 3aad ee sannadlaha ah ee FinnSom

Madasha 3aad ee ururka FinnSom

Helsinki-Mogadishu-Waxaa markii saddexaad Soomaaliya lagu qabtay madasha Sannadlaha ah ee FinnSom oo ah madal kulmisa Soomaalida Finland ee qaybta ka ah hawlaha kala duwan ee dib loogu dhisayo Soomaaliya, sida caafimaadka, waxbarashada, adeegyada bulshada, maamul wanaagga, dhaqaalaha iyo guud ahaan adeegyada bulshada.

Qaar kamid haweenka ka qaygalay madasha 3aad ee ururka FinnSom

Mowduucyada madasha Ururka FinnSom ee sannadkan 2023 ayaa ahayaa Xoojinta iskaashiga Finland iyo Soomaaliya ee horumarinta loo dhanyahay, Nabadaynta, dib u heshiisiinta iyo dowlad-dhiska.

Madasha 3aad ee ururka FinnSom
Danjire Pirkka Tapiola oo madasha FinnSom 2023 ka hadlaya

Danjire Pirkka Tapiooo madasha FinnSom furay ayaa ka warbixiyay xiriirka dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Finland, doorka shariifka ah ee ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ku leedahay dib u dhiska Soomaaliya iyo isku xirka labada dal iyo dowladood.

Danjire ku xigeen Johanna Jokinen-Gavidia oo madasha FinnSom 2023 ka hadlaysa

Ku xigeenka Safiirka Finland u qaabilsan Soomaaliya, Johanna Jokinen-Gavidia oo iyana madasha ka hadashay ayaa ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay madasha noocaan oo kale ah oo ay Soomaalida Finland ee Soomaaliya ka shaqeysa isku warsanayaan, wacyiga jira ku qaadaa-dhigayaan, warbixinno iyo talooyinna isku weydaarsanayaan.

Madasha ayaa waxaa sanadkan ka soo qaybgelay ka sokow Soomaalida Finland ee gudaha Soomaaliya ku sugan, Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo madasha darteed Soomaaliya u tegay, Safiirka iyo ku xigeenka safiirka Finland u qaabilsan Soomaaliya, shaqaale ka tirsan Safaaradda Finland ee Nayroobi oo Soomaaliyana ka hawalgala, madax iyo hawlwadeenno ka socday xukuumadda Soomaaliya.

Dr. Hussein Yusuf (Hussein Ladane) oo ka tirsan horseedka Ururka FinnSom ayaa sheegay warbaahinta Codka Soomaalida Finland u sheegay, in Ururka FinnSom uu yahay urur loo unkay horumarinta nabad waarta oo Soomaaliya ka dhalata, isku xirka Soomaalida Finland ee Soomaaliya ka hawlgasha, sare u qaadista xiriirka Soomaaliya iyo Finland iyo dhiirrigelinta ka qaybqaadashada dib u dhiska Soomaaliya iyo fududaynta sidii ay xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee Finland ku sugan ay aqoontooda ugu soo waaridi lahaayeen Soomaaliya.

Dr. Hussein Ladane-PHD

Waxaa madasha sannadkan lagu casuumay aqoonyahanno iyo dad saamayn ku leh Soomaalida Finland iyo guud ahaan Soomaaliya, sida Prof. Abdirashiid oo ah cilmibaare ka tirsan jaamacadda Helsinki, Finland.

 

Proff. Abdirashiid A. Ismail oo ah xeeldheer iyo cilmibaare sare oo ka tirsan Jaamacadda Jyväskylä iyo machadyo waaweyn oo cilmibaarista sameeya ayaa madasha ka soo jeediyay hadal cilmiyeed la xiriira bulshada Soomaaliyeed ee Finland.

Proff. Abdirashid, Proff. Hussein Ladane iyo khabiir sare Abdirahman Koronto….

Waxaa kale oo madasha lagu lafagguray doorka haweenka Soomaaliyeed ee dib u dhiska iyo aaya-ka-talinta Soomaaliya iyo xuquuqda ay haweenku u leeyahay fursadaha siyaasadeed iyo maamul ee dalka ka jira iyo xaqiijinta awood-siinta dumarka.

 

Madasha oo labo maalin socotay (9-10.10.2023) ayaa gunaanadkeedii lagu abaalmariyay Dr. Mohamed Guled oo ah dhakhtar cudurada wadnaha ku takhasusay kana hawlaga Isbitaallada Finland iyo Isbitaalka Guled Specialist Hospital ee magaalada Muqdisho.

Dr. Guleed ayaa abaalmarinta ku muteystay sida hufan ee uu wakhtigiisa ugu qaybiyay ka shaqaynta Finland iyo Soomaaliya iyo sida uu aqoontiisa uga faa’iideeyay Soomaalida ku nool Soomaaliya.

Ka qaybgalayaasha madasha ayaa hoggaanka Ururka FinnSom uga mahadceliyay xilka ay iska saareen joogteynta qabanqaabinta munsaabadda sannadlaha ah ee Ururka FinnSom.

Madasha 3aad ee Ururka FinnSom ee sannadkan 2023 waxaa dhaqaale ahaan taabbagalisay safaaradda Finland ee Soomaaliya oo fadhigeedu yahay Nayroobi.

SSMV