Dagaalka Yukreyn oo sannad jirsaday iyo madaxweynaha jamhuuriyadda Finland, Mudane Sauli Niinistö oo soo saaray bayaan ku saabsan dagaalkaas

Madaxweynaha Finland Sauli Niinistö Photo: Screenshot/TV

War rasmi ah oo maanta 24.2.2023 ka soo baxay madaxweynaha jamhuuriyadda Finland, mudane Sauli Niinistö uuna kaga hadlayay dagaalka gardarada ah ee Ruushku Yukreyn ku qaaday ayaa u qorna sidatan:

“Sannad kahor ayuu Ruushku Yukreyn ku qaaday weerar arxandarro ah oo aan sharci ahayn. Wuxuu Ruushku u qaatay in uu guuleysanayo. Wuxuu u qaatay in Yukreyn ay jabayso, taageerada aan Yukren siinnana ay wiiqmayso. Taas wuu ku qaldamay. Sannad kaddib billaabashada dagaalka, waxay Yukreyn si geesinimo leh u sii waddaa difaacidda xorriyaddeeda iyo madaxbannaanideeda.

Dagaalkan ayaa reer Yukreyn ugu kacay qiimo aad u badan. Waxaan xusuusanaynaa kumannaanka naftooda ku waayay dagaalka. Waxaan qalbiga kala jirnaa malaayiinta ay qasabka ku noqotay in ay guryohooda ka tagaan.

Finland waxay Yukreyn taageereysaa illaa iyo inta loo baahanyahay. Waxaan samaynaynaa waxkasta oo awooddeena ah, si dadka dagaalka ka soo qaxay ay u dareemaan in dalkeenna lagu soo dhoweeyay oo nabad ku yihiin.

Waxaa kale oo aan reer Yukreyn ka caawin doonaa dib-u-dhiska dalkooda quruxda badan.”

Ruushka oo sannad kahor weerar qaawan oo qaanuunka dunida ka soo horjeeda ku qaaday Yukreyn ayaa ku hungoobay hammigiisi ahaa in uu si degdeg ah jilbaha dhulka ugu dhigayo dowladda iyo dadka Yukreyn.

Qasaaraha ciidan iyo dhaqaale ee weerarkan sharcidarrada ah Ruushka ka soo gaaray ayaa xadka dhaafay waxaana sidoo kale hoos u dhacay niyadda ay ciidamada qalabka sida ee Ruushku u hayaan dagaalka.

Maalmo kahor ayeey ahayd markii uu madaxweynaha Ruushka Putin uu jeediyay hadal dhinacyo badan taabanayay isagoo si gaar ah eedda dagaalka Yukreyn dusha uga tuuray reer Galbeedka.

SSMV