Tareennada ka shaqeeya gudaha magaalooyinka oo Khamiista iyo Jimacha gabi ahaanba istaagi doona.

Sawirku lama xiriiro dhacdada: -Xuquuqda Sawirka: Mohamed Ibrahim/SSMV- Sawork

Khamiis 18.3 2021.  Tareennada ka shaqeeya gudaha magaalooyinka ayaa gabi ahaanba istaagi doona inta u dhexeysa 18-19.03.2021 oo ah Khamiista iyo Jimcaha, kaddib markii darawalladii tareennadu ay galeen mudaaharaad shaqo joojin ah.

Darawallada ayaa mudaaharadkaas ay samaynayaan waxaa ay kaga cabayaan, arrin ay ku tilmaameen in uu yahay, in shirkadda tareennada ee VR ay hoos u dhigtay heshiiskoodii shuruurdaha shaqada.  Waxaana ay darawalladu shaqada dib ugu soo laaban doonaan maalinta Sabtida ah oo bishu ay tahay 20.3.2021.

Mudaaharaadkaas awgiis waxaa la baajin doona dhammaanba tareennada ka shaqeeya gudaha magaalooyinka iyo kuwa taga magaalooyinka dhowdhow, waxaana tareennadaas ay kala yihiin, kuwa shirkadda HSL ee kala ah: A, E, I, K, L, P, U iyo Y, sidoo kale tareennada shirkadda Vr ee kala ah: D, R, T, Ziyo M.

Shirkadda VR waxaa shalay gelinkii dambe ay gadaal ka soo shegtay in tareenka G ee ka dhex shaqeeya Riihimäki iyo Lahti uu si caadi ah u socon doono. Sidoo kale in tareennada M iyo Z ay shaqeyn doonaan, si kasta oo uu mudaharaadku u jiro. Waxaana jadwalka tareennadaas laga ogaan karaa bogga internetka ee VR (verkkosivuilla(siirryt toiseen palveluun).

Waxaa kaloo VR ay sheegtay in si aan caadi ahayn maalmaha Khamiista iyo Jimcaha, tigidhka tareennada meelaha dhowdhow taga, lagu raaci karo tareennada goboladda fogfog taga ee iyagu istaaga maagaalooyinka gudaha ee caasimadda iyo hareehadeeda ah.

Xigasho: Yle