Tareen ayaa qof ku jiiray maxadada tareenka ee Tampere- booliska ayaa sababta shilkan baaraya

Tampere 16.7.2020- Maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa dhabbaha xadiidka ah ee tareenka gaar ahaan maxadada tareenka ee magaalada Tampere ka dhacay shil tareen oo uu qof ku geeriyooday.

Dhaqdhaqaaqa tareennada ee maxadadaas ayeey boolisku muddo kooban hakiyeen, laakiin hadda tareennadu si caadi ah ayeey u socdaan. Goobta uu shilku ka dhacay ayaa waxaa weli ka socda baaritaanno farsamo oo looga salgaarayo sida ay wax u dhaceen iyo sababta keentay in uu qof galo tareenka hoostiisa.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay in ay baarayaan sababta dhimashadan keentay, maadaama uu qof ku dhintay shilkan ka dhacay dhabbaha xadiidka ah ee tareenka.

Waxaa kale oo la soo werinayaa in goobta uu shilku ka dhacay ay joogeen dad badan, kuwaas oo arkayay sida ay wax u dhaceen.

Isha warka: Yle

Xuquuqda sawirka: Yle