Booliska Helsinki ayaa qabtay nin 34 sano jir ah oo looga shakisanyahay in uu gabdho aan qaangaarin ku dhibaateeyay ama faraxumeeyay deegaanka Kannelmäki

Helsinki 6.7.2020- Qoraal la soo dhigay bogga internetka ee Booliska Helsinki ayaa lagu sheegay in boolisku ay qabteen nin looga shakisanyahay in uu gabdho aan qaangaarin iyo dumar qaangaar ahba faraxumayn iyo dhibaatooyin kale oo galmo la xiriira ku sameeyay deyrti la soo dhaafay iyo sannadkan aynu ku jirno ee 2020.

Ninkan ayaa la sheegay in uu iskudayay in uu la sheekeysto gabdho yaryar oo ka horyimid  isagoo ay dantiisu ahayd in uu xiriir galmo la yeesho. Waxaa kale oo ay boolisku soo weriyeen in ninkan uu gabdhaha qaar taataabtay, hab-siiyay ama fiidiyow ka duubay.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay in ay heleen wargelinno badan oo ninkan ku saabsan haatanna ay baarayaan afar fal-dembiyeed oo ah faraxumayn carruur ama iskudayga faraxumaynta carruurta.

Boolisku waxay waalidiinta iyo ciddi kale ee heysa war ninkan ku saabsan ka rajaynayaan in ay la soo xiriirto, sababtoo ah waxaa laga yaabaa in ay jiraan carruur kale oo uu ninkan xiriir la sameeyay.  Dadka deggan deegaanka iyo agaarka Kannelmäki ayeey si gaar ah boolisku uga codsanayaan in ay la soo wadaagaan xog wixi ay ninkan ka hayaan.

Ninkan ayaa ah nin bar ahaan yar ama aan qiro weyneyn wuxuuna leeyahay timo badan oo madow iyo gar madow wuxuuna dhibbanayaasha kula hadlayay af Finnish iyo Ingiriis jajab ah.

Ninkan ayaa ah sida ay boolisku sheegeen ajnabi ka soo jeeda Bariga Dhexe. Maaddaama ay arrintu tahay hadda shaki oo aan weli wax caddayn ninkan lagu hayn xukun maxkamadeedna lagu ridin ayeey booliska ka gaabsadeen in ay faahfaahin intaas badan ka bixiyaan macluumaadkiisa shakhsiga.

Isha warka: Booliska Helsinki

Sawirka: Helsinging uutiset