Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Finland oo caddeeyay aragtidooda ku aaddan ku biirista NATO

Calanka Finland: Photo Mohamed Ibrahim

Madaxweynaha Finland Sauli Niinistö iyo Ra’iisal wasaaraha Finland Sanna Marin ayaa saakay si wadajir ah ugu dhawaaqay taageeradooda ku aaddan ku biirista ay Finland ku biirayso NATO. Labadooduba waxay caddeeyeen in ay si buuxda u taageersan yihiin ku biirista Nato.

Go’aanka labada hoggaamiye ayaa ahaa mid aad loo sugayay. Dhanka kale waxaa  jirta in xisbiyada ku mideysan xukuumadda wadaagga ah ee Finland iyo xisbiyada mucaaradkuba ay horay u muujiyeen aragtidooda ku aaddan ku biirista Finalnd, aragtiyadaas oo dhammaantood ahaa kuwa taageersan ku biirista Nato.

In ka badan 70% shacabka Finland ayaa iyagu taageersan in Finland ay Nato ku biirto, si ay gaashaanbuur ugu helaan siyaasadda dagaalka qar-iska-tuurka ah ku salaysan ee uu Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin la soo baxay.

Dhimashada, burburka iyo barakaca baahsan ee ka dhashay weerarka weli socda ee uu Ruushku Yukreyn ku qaaday ayaa keentay in siyaasiyiinta iyo shacabka Finnishku ay si degdeg ah ugu janjeersadaan ku biirista Nato.

Taageerada ay horay shacabka Finnishku ugu hayeen ku biirista ayaa ahayd mid aan xoogganayn, laakiin xaaladda dagaal ee ka billaabay Yurub ayaaa keentay in wax kasta ay muddo kooban isku beddelaan.

SSMV