Talooyinkii la xiriiray in aan isbitaallada la booqan Fayruska Korona dartiis oo laga laabanayo

Helsinki 18.6.2020- Krista Kiuru, Wasiirka Qoyska iyo Adeegyada Aasaasiga ah ayaa sheegtay in la burinayo ama meesha laga saarayo talooyinkii ay xukuumaddu horay u soo jeedisay ee ku saabsanaa booqashooyinka bukaannada cusbitaallada ku jira.

Qaybaha cusbitaalada ee dadka lagu daaweeyo afar iyo labaatanka saac ayeey xukuumaddu qabtaa in ugu horreyn laga hirgeliyo booqashooyin ammaan ah oo ay ehelku ku booqanyaaan dadkooda qaybahaas ku jira.

Krista Kiuru  ayaa dhanka kale ka dhawaajisay in Maamulayaasha qaybahaas ay awood u leeyihiin in ay booqashooyin mamnuucaan, haddii ay u arkaan inaysan suurragal aheyn in la qabanqaabiyo booqashooyin ammaan ah.

Isha Warka: Valtioneuvosto

Sawirka: Helsingin Sanomat