Sucuudiga oo dib u bilaabay gudashada cumrada, kaddib dhowr bilood oo korona awgiis ay u istaageen hawlihii xajka iyo cumrada

Xujey ka socota Finland oo gudanaysa xajka sannadkii 2019 / Xuquuqda sawirka: Suomen somali media

Kooxdii ugu horreysay ee cumrada ku gudanaysa gudaha masjidka xaramka ay maanta bilaabay gudashada acmaasha cumrada, kaddib muddo 7 bilood ah oo hawlahaas ay u istaageen xanuunka safmarka ah ee feyruska korona awgiis.

Maamulka arrimaha labada masjid ee xaramka ayaa bartooda tiwiterka ku sheegay, in kooxdii ugu horreysay ee cumraystayaasha ah ay soo gaareen gudaha xaramka, iyadoo la qaadaayo tillaabooyin looga hortagaayo faafista cudurka oo aanu maamulku tilmaamin.

Waxaana wasaaradda xajka ee sucuudigu ay hore u sheegtay in maalinka sabtida ah dib loo bilaabi doono gudashada cumrada oo si tartiib-tartiib ah. Waxaana ay wasaaraddu sheegtay in 4 oktoobar ay cumraystayaal ka socda gudaha dalka oo isugu jira muwaadiniin iyo dadka waddanka degganba 30% (6 kun uu cmuraystayaal ah) malinkii, ay bilaabi doonaan cumrada.

Marxaladda labaad oo ku beegan 18 Oktoobar, waxaa la fasaxi doonaa gudashada cumrada iyo ku tukashada salaadda ee masjidka xaramka, iyadoo loo fasaxayo dadka muwaadiniinta ah iyo kuwa waddanka degganba 75% (15 cumrayste iyo 40 000 oo musalliin ah) maalinkii.

Marxaladda saddexaad, waxaa la fasixi doonaa gudashada cumarada iyo ku tukashada salaadda ee muwaadiniinta iyo dadka waddanka deggan ee dalka Sucuudiga gudihiisa iyo dibaddiisaba, 1 da November ee bisha soo socota waxaa ay noqon doontaa 100% (20 kun oo cumraystayaal ah iyo 60 kun oo musalliin ah maalinkii).

Bishii Maarso ee sannadkaan gudihiisa ayaa xukumadda dalka Sucuudigu waxaa ay joojisay gudashada cumrada faafista feyruska koronaha awgiis, waxaana ay sidoo kale diyaariyeen gudashada xaj xaddidan oo ay tiro aad u yar oo gudaha dalka oo kaliya ah ay ka soo qaybgaleen.

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Sucuudiga ayaa sheegtay in Sabti 04.10.2020 laga helay dalkaas sucuudiga gudihiisa 419 qof oo cusub oo qaba feyruska korona, waxaana afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay u dhintay xanuunka awgiis 27 qof. Sidoo kale wasaaraddu waxaa ay sheegtay in 626 qof ay ka bogsadeen xanuunka afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Wasaaradda waxaa ay sheegtay in tirade guud ee illaa haatan dalkaas sucuudiga uu ku dhacay feyruska ay gaarayaan 335 997 qof, waxaana u dhintay 4850 qof, waxaana ka bogsaday xanuunka 320 974 qof.

Xigasho: Aljazeera