Gegida dayuuradaha dalkan Finland oo loo diyaarinayo eeyo loogu talaggalay in ay aqoonsadaan qofka qaba feyruska korona

28.8.2020- Magaalada Vantaa ayaa waxaa ka socda qabanqaabinta eeyo loo tababaraayo in ay aqoonsadaan qofka qaba feyruska korona. Tirada eeyaha hadda loo carbinayo in ay uriyaan qofka qaba ama sida feyruska korona ayaa hadda ah 16.

Uurka la yiraahdo Suomen Hajuerottelu Ry oo hawshaas tababarka ah muddo laba toddobaad ah qabanqaabinayay ayaa u sheegay telefishinka qaranka ee Yle, in maalgelinta arrinkaas laga dalbay jihooyin kala duwan, oo ay ka mid yihiin wasaaradaha qaarkood, laakiin aanay wax natiijo ah ka soo bixin arrinkaas.

Ururka ayaa sheegay in hadda kharashka 16-kaas eey lagu tababarayo uu bixiyay ururuka adeegga dhakhaatiirta xoolaha ee la yiraahdo Evidensia Eläinlääkäripalvelut Oy.

16 kaas eey ee loo tababarayo in ay dareenoodaa wax urinta ku ogaadaan qofka qaba feyruska korona ayaa wararku sheegayaan, in toddoba ka mid ah eeyahaas ay mar horeba urinta ku aqoonsan karaan qofka qaba feyruska korona.

Mashruucan ayaa haddii uu fulo fududaynaya aqoonsado qofka qaba xanuun korona ee uu keeno COVID-19.

Waxaa diyaariyay Abdirizak Sugulle