Soomaalida ku guuleysatay kuraasta Golaha deegaanka magaalada Turku

Magaalada Turku oo ah caasimadda labaad ee finland ayaa waxaa ka soobaxay musharrixiintii soomaaliyeed ee ugu badnaa ee doorashooyinka golaha degaanka

Waxaa doraashada ku guuleystay xisbiga midigta ee Kokoomus, oo helay kuraasta ugu badan ee inta badan maagaalooyinka dalkan Finland. Xisbiga Kookomus kaalinta koowaad ayuu ku galay 21.4, halka xisbiga hoggaamiya xukuumadda wadaagga ah ee SDP (Social Democrat Party) uu kaalinta labaad ku galay 17,7, xisbiga Keskusta (Centeral Party) ayaa isaguna kaalinta saddexaad ku galay 14,9. Xisbiga mayalka adag ee ka soo horjeeda ajaanibta ee Perus Suomalainen (Finnish Party) oo aad loo saadaalinaayay in ay kaalimaha hore galaan ayaa galay kaalinta afaraad 14.5.

Sida guud ahaaneed, tirada dadka codeeyay sannadkaan ayaa aad u yarayd, taasoo sabab looga dhigay dib u dhigistii lagu sameeyay doorashada cudurkaan cudurka safmarka ah ee korona awgeed, waayo sidii caadiga ahayd doorashadu waxaa ay dhici jirtay bisha Afaraad, maadaama dib loo riixay oo ay ku soo beegantay bisha Lixaad, ayaa waxaa loo aanaynayaa in taasi ay sababtay in dad badan oo codayn lahaa ay ka baaqdeen, oo fasaxyadii la kala galay.

Dadka arrimaha siyaasadda falanqeeya ayaa tilmaamaya in yaraanta tirada dadka codeeyay ay dhibaato ku noqotay xisbiga talada dalka haya, oo dadkii u codayn jiray aanay si firfricoon u codayn, halka xisbiga mayalka adag ee PS uu ka faa’iiday, maaddama qolyihii kale ee uu la tartamaayay ay meesha ka baxeen.

Marka laga hadlo Soomaalida ka qaybqaadatay murashaxnimada golaha degaannada oo tiradoodu ay gaaraysay illaa iyo 16 qof, Waxaa ugu badnayd magaalada Turku oo ay iska soo sharraxeen 4 murashax, saadex kamid ahna ay ku guuleysteen in ay ka mid noqdaan golaha degaanka.

Waxaana ka mid ah murashaxiintaas ku guulaystay laba murashax oo ka tirsan xisbiga vasemistoliito oo kala ah Muxiyidiin Hirsi iyo Abdullahi Sultan iyo Yusuf Mohamed oo ka mid noqday xilidhibaannada xisbiga SDP.

Bulshada magaalada Turku waxaa ay muujiyeen in ay si firfricoon uga qayb qaadan karaan siyaasadda dalka, kaddib markii ay u suurtagsahay in ay soo aaraan saddex murashax.

Doorashooyinka sannadkaan ayaa u muuqda in ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay dhanka soomaalida, kaddib markii ay muujiyeen codkooda.