Siyaasiyiin, hoggaamiye diimeedyo iyo madax ka tirsan bulshada Rayidka ah oo booqasho garab-istaag ah ku tegay Masjidka As-Salam ee Vantaa oo la iskudayay in dab la qabadsiiyo

Madax ka kala socotay dowladda, arrimaha bulshada, diimaha iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Finland ayaa Jimcadii ku beegnayd 5.4.2024 booqasho ku tegay Masjidka As-Salam ee Vantaa oo muddooyinkan dambe aad loo hadal-hayay kaddib markii la iskudayay in xilli habeen la gubo.

Madaxdan iyo dadkan bulshada Finland magaca ku dhex leh ayaa maamulka Masjidka u muujisay taageero buuxda iyagoona sidoo kale xusay xorriyadda diinta ee dalka Finland dastuuriga ka ah iyo sida ay arrintaas u tahay mid aan laga gorgortamayn.

Booliska ayaa gacanta ku haya kiiska Masjidka As-Salam ee Vantaa waxaana laga war-sugayaa natiijada ka soo baxda baaritaankaas.

Imaamka iyo Khadiibka Masjidka As-Salam ee Vantaa Imaam Sharmarke Aw-Musse ayaa mahadnaq iyo u jeediyay madaxda kala duwan ee soo booqatay masjidka una muujisay taageerada xaaladdaan ku habboon. Imaamka oo bartiisa rasmiga ah ee X (ex Twitter) warkan soo dhigay ayaa si gaar ah uga mahadceliyay warbaahinta Finland oo dhacdadaas aad wax uga qortay.

Dhacdadan oo bulshada Muslimiinta ah ee Finland gaar ahaan kuwa ku nool deegaanka uu Masjidku ku yaal ka nixisay ayaa waxaa si weyn wax uga qortay warbaahinta Finland.

SSMV

Sawirrada: Sharmarke Aw-Musse