Siyaasi, xildhibaan Ahmad Noor Hassan oo markale u sharraxan doorashada Iskaashada HOK-ELANTO iyo codbixinta oo billaabatay

Ahmad Noor Hassan oo horay uga tirsanaa wakiillada iskaashatada Hok-Elanto ee dalka Finland ayaa markale u sharraxan doorashada iskaashatada ee billaabatay 10 4-2024.

Doorashada Iskaashatada HOK-ELANTO ayaa doorkan xiiso gaar ah leh maadaama ay dalka ka dhaceen shaqo-joojinno baahsan oo halakkeeyay habsami-socodka shaqooyinka ay nolosha shacabku ku tiirsantahay.

 

Siyaasi Ahmdd Noor oo munaasabadda shaacinta murashaxnimadiisa ku qabtay Helsinki ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay intii uu ku jiray Golaha iskaashtada HOK-ELANTO iyo qorshaha hadda u degsan ee uu doonayo in uu ku shaqeeyo haddii markale loo doorto Golaha Iskaashatadan safka hore uga jirta gancsiga iyo shaqaalaynta Finland.

Hadaljeedinta mudane Ahmdd Noor oo maqal muuqaal ah hoos ka daawo.

 

Lambarka codbixinta siyaasi Ahmad Noor ee doorashada HOIK-ELANTO WAA: 156.

Fadlan habkan raac si aad ugu coddeyso walaakaa Ahmad Noor

Si aad ugu codeeyso siyaasi Ahmdd Noor, fadlan linkigan dhag-sii- waa bogga rasmiga ah ee codbxinta HOK-ELANTO.