Sitran Lääkäriasema oo Ramadaanka awgiis baaritaano lacag la’aan ah u sameysay bukaano qaba xanuunada Wadnaha

Dr. Mohamed Guled oo bukaan ku qaabilaya Sitran Lääkäriasema 17.4. Sawirka: Suomen Somali Media Verkosto

Helsinki –  Ugu yaraan 10 bukaan oo qaba xanuunada ku dhaca Wadnaha ayaa Isbitaaka Sitran Lääkäriasema u sameeyay baaritaano lacag la’aan ah bisha barakeysan ee Ramadaan awgiis, sida uu sheegay isbitaalka.

Sabtidii la soo dhaafay 17.4 ayaa dhakhaatiir ku takhasusay xanuunada wadnaha u dhaqaaqeen qaabilaadda bukaano kala duwan oo qaba xanuunada ku dhaca wadnaha. Bukaanada oo isugu jira rag, dumar iyo caruur ayaa dhamaantood lagu sameeyay baaritaan lacag la’aan ah.

”Maanta si saddaqo ah ayaa aniga iyo dhakhtarka Mohamad Khedr ku qaabileynay bukaano ka sheeganaayo dhinaca wadnaha, Alxamdulilaah, ilaahey si fiican ayuu noogu dhameeyay” Dr. Mohamed Guled oo ku takhasusay cudurada wadnaha iyo dhiig mareenka ayaa sidaa u sheegay Suomen Somali Media Verkosto.

Dhakhaatiir Soomaaliyeed oo kugu qaabilaaya afkaaga hooyo ayay Sitran Lääkäriasema idiin diyaarisay, taasoo ah fursad aad u weyn u ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Helsinki, Espoo iyo Vantaa.