Shirkadda gaadiidka ee Helsinki (HSL) oo soo jeedisay in dadka wata gawaarida ilmaha lagu riixo lacag laga qaado

Shikadda gaadiidka ee Helsinki HSL ayaa soo jeedisay , in hadda wixii ka dambeeya ay dadka wata gawaarida ilmaha yaryar lagu riixo (Vaunut) ay lacagta tigidka iska bixiyaan marka ay gaadiidka soo raacaan. Arrinkaan waxaa uu soo ifbaxay, markii HSL ay isku dayday in ay kabto dhaqaala xumada ka soo gaartay cudurkan safmarka ah ee korona feyrus.

Madaxa qaybta iibka iyo macaamiisha ee HSL Mari Flinki  ayaa sheegtay in dhammaan magaalooyinka xubnaha ka ah shirkada lagala hadlay hindisahaan cusub ee ah in dadka wata gawaarida ilmaha lagu riixo lacagta tigidhka laga qaadi karo iyo inkale, sidaasna lagu helo dakhli dheeraad ah oo dhanka tigidhada gaadiidka ka soo baxa.

Mari Flink waxaa ay sheegtay in shirkadda ay soo waajahday dhaqaale xumo aad u daran, taasoo keentay ayay tiri inaan ku fekerno in qiimaha tigidhada la kordhiyo, ama in lacagaha saamiga ee magaalooyinka laga qaado la kordhiyo, ama sidoo kale in kooxaha la siiyo sicir dhimista arrimahooda la farageliyo oo halkaas keyd laga sameeyo.

Waxaana HSL ay sheegtay in haddii hindisahaan uu meelmaro ay dakhliga tigidhada ku soo kordhin karto 4,5 milyan oo yuuro.

Durabadiiba waxaa hindisahaas ka soo jawaabtay magaalada Espoo oo arrinkaas diiday, waxaana sida laga soo xigtay madaxa ilaalinta shirkadaha Maria Guzenina ay sheegtay, in dhibaatada korona uu keenay ay tahay mid aad u weyn, laakiin ayay tiri  haddana waa arrin foolxun in aan qashqashaad la doonano dadka gaadiidka saaran ee gawaarida carruurta riixanaya.

Si kastaba ha ahaatee shirkadda HSL waxaa ay leedahay waxaa loo baahan yahay xal, waayo waxaa ay shirkaddu sheegeysaa in qiyaastii khasaaro dhan 120 milyan oo yuuro ah uu ka soo gaaray dakhligii ka soo geli jiray iibka tigidhada.

Isha warka / Yle