Shirkadda diyaaradaha ee Finnair oo dhimaysa kumannaan shaqaalaheeda ka tirsan

Helsinki 26.8.2020- Shirkadda dayuuradaha dalkan Finland ee Finnair ayaa dooneysa in ay sameyso shaqaale dhimis, saameynta uu ku yeeshay xanuunkan safmarka feyruska korona awgiis. Wadahadal ku saabsan dhimista shaqaalaha shirkadda Finnair ayaa haatan u socda shirkadda iyo 2800 oo qof oo ka mid ah shaqaalaheeda.

Shirkadda Finnair oo wadarta guud ee shaqaalaha u shaqeeya ay dhan yihiin 6200 oo qof, ayaa waxaa jirta in qof kasta oo shaqaalaha ka mid ah la geliyay fasaxa khasabka ah gu’gii iyo xagaagii la soo dhaafay. Balse haatan ayeey shirkaddu qorsheyneysaa in ay kumannaan shaqaalaheeda ah ay shaqada ka rukhseyso. Sidoo kale waxaa weli sii socon doona fasaxgelinta khasabka ah ee shaqaalaha qaar.

Tan iyo intii uu soo baxay xanuunka safmarka ah ee feyruska korona, waxaa soo badanayay saameynta ba’an ee dhanka dhaqaalaha ah ee ku yeelanayo shirkadaha adduunka, iyadoo shirkado badanna ay kaceen oo albaabada la isugu dhuftay.

Warkan waxaa diyaariyay Ustaad Abdirizak Sugulle