Finland waxaa laga helay maanta 222 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Khamiis 01.07.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 222 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 95 742 qof.

Meelaha ugu badan ee feyruska laga helay waa Gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo ah caasimadda hareeraheeda, waxaana laga helay 103 qof, gobollada kala ah  Varsinais-Suomi oo laga helay 34 qof, Kymenlaakso oo laga helay 16 qof, iyo Päijät-Häme, Pirkanmaa oo midkiiba laga helay 11 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 59 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 65
Turku 19
Vantaa 12
Espoo 11
Kouvola 11
Tampere 7
Lahti 7
Laitila 5
Eura 5
Kotka 5
Joensuu 4
Hämeenlinna 4
Parainen 4
Leppävirta 3
Kirkkonummi 3
Nurmijärvi 3
Pori 3
Seinäjoki 2
Kuopio 2
Lapinlahti 2
Jyväskylä 2
Porvoo 2
Loviisa 2
Salo 2
Nokia 2
Ilmajoki 2
Pukkila 2
Hausjärvi 2
Vaasa 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 38 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 7 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 973 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 9 280 oo qof, kuwaasoo 7 522 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 415 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 338 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 5 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 30.06).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3,27 milyan oo qof, labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 1,03 milyan oo qof (01.07.).

Xigasho:YLE,HS