Ma doonaysaa in aad ogaato Wararkii ugu dambeeyay ee Korona iyo Caalamka intiisa kale?  

In ka badan 800 000 oo qof ayaa caalamka u dhintay feyruska korona

Tirada guud ee caalamka ee u dhimatay xanuunka feyruska korona ayaa kor u dhaaftay 800 000 oo qof.  Dhanka kale tirada guud ee haatan la diiwaangeliyay oo xanuunkani KU dhacay ayaa gaaraysa 23 milyan oo qof.

Dalalka ugu badan ee dhimashada feyruska korona laga soo werinayo ayaa kala ah Maraykanka, Braziil iyo Hindiya, sida lagu sheegay warbixin arrinkaas ku saabsan oo ay soo uruurisay jaamacadda Johns -Hopkins.

Dalka Hindiya

Waxaa mar kale dalkan laga helay tiradii ugu badneyd ee feyruska korona oo maalin gudaheed ah. Maanta oo kaliya ayaa laga helay dalka Hindiya 69 878 oo qof oo hor leh oo qaba feyruska korona, iyadoo tirada u dhimatay xanuunka maanta kaliya ay gaareyso 945 qof.

Tirada guud ee dalkaas Hindiya ee laga helay xanuunka ayaa 2.8 milyan oo qof. Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Hindiya, waxaa maalinkii afaraad ee si isdabajoog ah ay tirada xanuunka laga helay kor u dhaafeysaa 60 000 oo qof.

Dalka Israa’iil

Waxaa dalka Israa’iil afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay xanuunka feyruska korona 1500 qof. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, tirada dadka laga helay feyruska ee dalka Israa’iil waxaa ay haatan kor u dhaafayaan 100 000 oo qof.

Tirada dadka u dhintay xanuunka ee Israa’iil gudaheeda ayaa iyaduna ah 809 qof. Wararka caafimaadka ee halkaas laga helayo ayaa intaa ku daraya in feyruska korona uu saameyn xoog leh ku yeeshay dhaqaalihii dalka, iyadoo boqolkiiba labaatan dadku ay shaqo la’aan noqdeen.

Dalka Ciraaq

Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa sheegaya in tirada dadka uu ku dhacay feyruska korona ay kor u dhaaftay 200 000 oo qof, kaddib markii afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay 4000 qof oo cusub.

Dalka Ciraaq waa dalkii ugu horreeya ee dalalka carabta xagga dhimashada xanuunka feyruska korona, waxaana xanuunka u dhintay in ka badan 6300 qof, iyadoo tirada dhimashada afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafayna ay aheyd 70 qof, sida ay sheegeen hawlwadeenno ka tirsan hay’adaha caafimaadka dalkaas.

Dalka Kuweyt

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Kuweyt ayaa sheegtay in maanta oo kaliya xanuunka feyruska korona laga helay dad tiradoodu gaareyso 688 qof oo cusub, waxaana taasi ay ka dhigeysaa tirada guud ee xanuunku ku dhacay 79 957 qof. Illaa iyo hadda waxaa xanuunka korona dalkan ugu dhintay 513 qof.

Dalka Iiraan

Waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay dalka Iiraan ugu dhintay feyruska korona 126 qof, iyadoo ka dhigeysa tirada guud ee dhimashada 20 500 oo qof.  Sidoo kale waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhafay laga helay feyruska korona 2000 oo qof, waxaana tirada guud ee xanuunka uu ku dhacay ay ka dhigeysaa 356 000 oo qof. Waxaa ka bogsaday xanuunka 307 000 oo qof.

Inkastoo ay xukuumadda dalkaas qaadday tallaabooyin dhanka xaddidaadda ah, soona saartay amarro waaweyn oo looga hortagayo faafitaanka feyruska koronana, haddana xanuunku weli wuxuu dalka ku hayaa fara ba’an.

Madaxweynaha dalka Iiraan Xassan Ruuxaani ayaa muddo bil kahor ah ka digay in tiro kor u dhaafeysa 25 milyan oo reer Iiraan ah uu xanuunku ku dhacay, illaa 35 milyan oo kalena ay khatar ugu jiraan in uu xanuunku ku dhaco.

Warkan waxaa isku soo dubbariday soona turjumay Abdirizak Sugulle