Shirkadaha daawada Pfizer iyo BioNTech oo war loo riyaaqay ka soo saaray tallaal cusub oo looga hortagaayo feyruska korona

Isniin 09.11.2020. Labada shirkadood ee daawada ee Pfizer iyo BionNTech oo kala ah dalalka Maraykanka iyo Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday in tallaalkii ay horumarintiisa wadeen ee looga hortagaayay feyruska korona, in tallaabooyin horumar fiican leh hore loogu qaaday. Waxaana labada shirkadood ay shegeen in tallaalkaas la samaynaayay uu 90% joojiyay feyruska sababa cudurka COVID-19, iyadoo lagu guda jiray heerkii saddexaad ee tijaabinta tallaalka.

Waa shirkadihii ugu horeeyay ee daawada sameeya, kuwaasoo baahiyay in ay horumar weyn ka gaareen tijaabintii tallaalka looga hortagaayay feyruska korona.

Madaxa Shirkadda Pfizer Albert Bourla ayaa sheegay in natiijadii ugu horraysay ee ka soo baxday qaybtii saddexaad ee tijaabinta tallaalka ay tahay mid waxtar leh, islamarkaana haatan aan u dhownahay ayuu yiri, in aan gaarno guushii aan kaga qaybqaadan lahayn sidii caalamka looga badbaadin lahaa cudurkan safmarka ah ee gees ka gees ku dhuftay.

Waxaa qaybtan saddexaad ee tijaabinta tallaalka la bilaabay bishii Luulyo, waxaana ka qayb qaatay 43 538qof.

Madaxa shirkadda Biontceh ee Jarmalka Uğur Şahin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, in ay ku rajo weyn yihiin in tallaalku uu jirka ka difaaci karo feyruska muddo sannad ah, laakiin wali arrinkaasi si dhab ah looma xaqiijin.

Labadan shirkadood ayaa sheegay in illaa iyo imminka aanay tallaalka ku arag wax dhibaato caafimaad oo aad u daran oo uu dadka ku keenayo.

Shirkaduhu waxaa ay sheegeen in sannadkaan inta aanu dhammaan ay awoodaan in ay soo saaraan 50 milyan oo tallaal, iyadoo sannadka soo socdana ay gaarsiin karaan illaa 1,3 milyaardi oo tallaal ah.

Ururka Midowga Yurub ayaa heshiis hordhac ah oo iibsiga tallaalka ah la galay labadan shirkadood. Heshiiiskaan hordhaca ah waxaa laga maalgelin doonaa lacagta xaaladaha degdegga ah ee ururuka Midowga Yurub, taasoo ay ka qayb yihiin dhammaanba 27 ka dal ee midowga yurub uu ka kooban yahay.

Madaxa Xarunta baaritaanka tallaalka ee Finland Mika Rämet ayaa ku tilmaamay warkaan in uu yahay mid farxad leh, iyo guul weyn oo laga gaaray ka hortagga feyruska korona. Wuxuuna sheegay in haatan la sugaayo sidii howshu ay hore ugu sii socon lahayd, iyadoo tallaabada tan xigta ay tahay in shirkaduhu ay codsiga oggolaanshaha iibinta tallaalka u soo gudbinayaan Ururka midowga Yurub iyo dolwadda Maraykanka.

Waxaa haatan bilowday socodsiinta howlaha diyaarinta ee tallaalkaas, iyadoo lagu rajo weyn yahay in inta aanu sannaadkaan dhammaan la soo saari doono.