Waxaa soo turjumay soona diyaariyay Ustaad Abdirizak Sugulle:
Isbeddel ayaa lagu sameeyay sharciga socdaalka (ama sharciga ajaanibta) ee dalkaan Finland laga bilaabo 6.5. 2025 – Waxaa isbeddalkaan si cad loogu faahfaahiyay waxa loo aqoonsanaayo in uu yahay joogitaanka sharciga ah iyo midka sharci darrada ah ee dalkaan Finland.
Laga bilaabo 6.5.2025, waxaa dhaqangalaaya isbeddello lagu sameeyay sharciga socdaalka ama sharciga ajaanibta ee Finland. Isbeddelladaan waxaa ay si gaar ah kuu saamayn karaan haddii aad:
• heshay go’aan diidmo ah oo ku saabsan sharcigaaga degganaanshaha dalka (ciqaamadda) ama codsigaaga magangalyada, ama
• sharcigaggaa degganaanshaha dalka ee aad hadda haysato uu kaa dhacaayo
Sharciga cusub ee wax laga beddelay waxaa uu si cad u qeexayaa farqiga u dhaxeeya joogitaanka sharciga ah iyo midka sharci darrada ah ee dalkaan Finland. Sharcigan waxaa la dabbaqayaa islamarka uu sharcigan cusub dhaqangalo, iyadoo aan loo fiirinaynin wakhtiga aad codsigaaga gudbisay.
________________________________________
Marka xuquuqdaada joogitaanka ee Finland ay dhammaato, waa inaad dalka ka baxdaa
Waxaad u joogtaa si sharci darro ah Finland haddii aad:
• heshay go’aan diidmo ah oo ku saabsan sharciga degganaanshaha dalka (ciqaamadda) ama codsigaagii magangalyada ee qaxootinnimo,
• sharcigaaga degganaanshaha dalka waa uu dhacayaa, wakhtigii loogu talaggalayna kuma aadan codsan sharciga, ama
• dalka waxaa aad ku joogtay fiiso ama dalkuggal, fiisihiina waa uu kaa dhacayaa.
________________________________________
Haddii aad hesho go’aan diidmo ah
Haddii aad joogto Finland oo aad hesho go’aan diidmo ah oo ku saabsan sharciga degganaanshaha dalka ama codsigaagi magangalyoddoonka, waa inaad dalka ka baxdaa. Go’aanka diidmada ah waxaa caadi ahaan la socda go’aan kale oo ah in dalka lagaa musaafuriyo ama dib laguugu celiyo dalkaagii. Ma sii joogi kartid Finland oo ma samayn kartid codsi cusub oo sharciga degganaanshaha dalka ah, si aad ugu dheereysato wakhtigaaga sii joogitaanka dalka. Haddii aad doonayso in aad codsato sharciga degganaanshaha dalka ee cusub, waa inaad marka hore dalka ka baxdaa oo aad codsiga ka samaysaa dalka dibaddiisa.
Haddii aad hesho go’aan diidmo ah oo ku saabsan codsigaagii magangalyada, oo aad mar labaad codsanayso magangalyo, Hogaanka socdaalka (imaagareeshinka) ayaa go’aan ka gaaraaya arrinka ku saabsan in uu oggolaanayo in uu baaritaan ku sameeyo oo furo codsigaaga iyo inkale. Aslanba ma sii joogi kartid Finland, xittaa haddii aad samaysay codsiga cusub ee magangalyoddoonista.
________________________________________
Haddii aad cusboonaysiinta sharciga degganaanshaha ama ciqaamadda codsato wakhti dambe oo aad la daahdo
Haddii aad codsato sharciga degganaanshaha dalka ama ciqaamadda cusub kaddib markii uu kii hore kaa dhacay, waxaa suurtaggal ah in lagu siiyo go’aan diidmo ah. Marka loo fiiriyo xaaladdaada gaarka ah, go’aankaas didmada ah waxaa loola jeedaa musaafurin ama dib u celin. Taasoo macnaheedu yahay in adiga dalka lagaa musaafurin karo ama dib laguu celin karo, haddii aad Finland ku joogto sharci la’aan, maadaama aadan haysan sharcigii degganaanshaha ee loo baahnaa.
Haddii aad cusboonaysiinta sharcigga degganaanshaha samayso kaddib markii uu kaa dhici rabay sharcigii hore ee dagganaanshaha dalka, waa inaad haysataa sabab macquul ah oo keeni karta la soo daahistaada cusboonaysiinta ee sharciga. Sababta noocaas oo kale ah waxaa ay noqon kartaa tusaale ahaan xanuun aad u daran, kaasoo qofka ka horistaagay in wakhtigii loogu talaggalay uu ku codsado sharciga degganaanshaha.
Sharciga degganaashaha ama ciqaamadda sii soconaysa ee cusub waa in la codsadaa ugu yaraan 3 bilood ka hor inta uusan dhicin ama dhammaanin wakhtiga sharcigaaga degganaanshaha. Waxa aad sharcigaaga degganaanshaha dalka ku codsatay wakhtigii loogu talaggalay, haddii codsiga aad ka soo dirtay dhanka adeegga internetka ee loo yaqaan Enter Finland, ka hor inta uusan dhicin ama uusan dhammaan wakhtigii sharcigaaga degganaanshaha dalka.
________________________________________
Codsiyada dhammaantood waxaa loo qiimayn doona si gaaar ah (qof walbaa codsigiisa si isaga u gaar ah ayaa loo qiimaynayaa)
Marka go’aanka laga gaaraayo sharcigaaga degganaanshaha dalka ama codsigaaga magangalyodoonista, waxaan tixgelinta gaarka ah siin doonnaa dhammaan arrimaha la xiriira duruufahaaga shakhsiyadeed. Waxaa sidoo kale tixgelin gaar ah siin doonnaa wixii suurtaggal ah ee jiri kara ee la xiriira badbaadinta nolosha qoyska iyo danta ilmaha.
________________________________________
Joogitaanka dalkaan Finland, go’aanka masaafurinta ama dib u celinta kaddib
Haddii aad heshay go’aanka ah dal ka musaafurinta, macnihiisu waxaa weeye in adiga dalka lagaa musaafurinaayo ama dib laguu celinaayo, go’aanka ayaa laguugu sheegayaa wakhtiga kama damabaysta ah ee ay waajibka kugu tahay in aad ka baxdo dalkaan Finland.
Haddii aad racfaan ka qaadato go’aanka, joogitaankaaga Finland ee inta lagu jiro habsocodka racfaankaaga waa mid sharcidarro ah. Si kastaba haddii aad heshay go’aanka musaafurinta, sida badan waxaad sii joogi kartaa Finland inta ay socdaan hawlaha racfaankaaga.
Maadaama joogitaanka Finland inta lagu guda jiro habsocodka racfaankaaga uu yahay mid sharci darro ah,
• wakhtigii joogitaankaa ee intii ay socdeen hawlaha racfaanka, hadhoow lagama soo qaadaayo ama looma xisaabinaayo “wakhti deganaansho oo sharci ah”, taasoo saamayn ku yeelanaysaa haddii aad rabto in mustaqbalka aad codsato sharciga degganaanshsaha ee joogtada ah (pysyvä oleskelulupaa).
• sinnaba dib uguma soo laaban kartid Finland, haddii aad safar u aaddo dalka dibaddiisa.
Haddii aad heshay go’aanka musaafurinta ama dib u celinta, sida caadiga ah ma sii joogi kartid Finland inta ay socdaan hawlaha racfaanka, haddii aanay maxkamadda maamulku amrin si taa ka duwan.
Waxaa soo turjumay soona diyaariyay Ustaad Abdirizak Sugulle: