Shaqo-joojintii darawallada basaska ee iskaashatada AKT oo dhammaatay iyo murankii shaqada la xiriiray oo laga heshiiyay- shaqada basaska oo si caadi ah maanta (4.3.2023) u billaabanaysa

Bas laamiga maraya- Abdi Musse SSMV

Shaqo-joojintii ballaarnayd ee ay Arbacdii la soo dhaafay (1.3.2023) billaabeen darawallada gaadiidka dadweynaha gaar ahaan basaska ayaa lagu dhawaaqay in ay dhammaatay kaddib markii laga heshiiyay khilaafkii u dhexeeyay iskaashatada shaqaalaha ee AKT iyo iskaashatada shaqo-bixiyayaasha gaadiidka ee ALT.

Shaqo-joojintaas ayaa hakisay ku dhowaad dhammaan dhaqdhaqaaqa basaska ee soonaha Helsinki iyo Tampere.

War rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac warbaahintana lagu baahiyay ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ku qanceen heshiis uu soo jeediyay Dhexdhexaadiyaha Qarameed ee Finland.

Xafiiska Dhexdhexaadiyaha Qarameed ee Finland ayaa isna ku dhawaaqay in dhinacyadu ay isku-sacab-jiideen khilaafkii mushaaraadka iyo xaaladaha shaqada ee darawallada basaska la xiriirayna ay ka heshiiyeen.

Tan ayaa ka dhigan, in shaqo-joojintii loo qorsheeyay in ay sii socoto illaa iyo Jimcada ku beegan 10.3.2023, ay gebi ahaanba meesha ka baxday shaqaaluhuna ay sida ugu dhakhsaha badan shaqada ugu laabanayaan.

SSMV