Sani Marin ayaa noqotay ra’iisulwasaarihii ugu horeysay ee haweeney ah ee ugu mudada dheereyd dalkaan Finland

Pääministeri Sanna Marin tiedotustilaisuudessa 26.11.2020. Photo: Valtioneuvosto facebook stream/screenshot

Ra’iisulwasaaraha dalkan Finland Sanna Marin ayaa khamiistii la soo dhaafay waxaa u buuxsantay 367 maalmood oo ay haysay jagada ra’iisulwasaaraha dalkaan Finland. Waxaana ay noqotay haweeyneydii ugu horreysay ee ugu mudada dheereyd ee ra’iisulwasaare ka noqota dalkaan Finland.

Hore waxaa uu rikoorkaas ugu yaallay Mari Kiviniemi oo sannadihii 2010-2011 ay ahayd ra’iisulwasaaraha dalkaan Finland muddo dhan 366 maalmood.

Haweeneydii ugu horreysay ee dalkaan Finland ra’iisulwasaare ka noqota ayaa ahayd Anneli Jäätteenmäki, taasoo jagada qabatay 17.4.2003, waxaana ay jagadaas haysay muddo 69 maalmood ah oo kaliya, kaddib markii ay ku soo baxday fadeexad la xiriirtay dagaalkii xulufada isbahaysiga reer galbeedku ay ku qaadeen dalka Ciraaq, taasoo sababtay in ay iska casiho jagadii ra’iisul wasaaraha dalka.

Marin, Kiviniemi iyo Jäätteenmäki marka laga soo reebo, dhammaan ra’iisulwasaarayaasha dalkaan Finland waxaa ay ahaayeen niman.

Xigasho:YLE