Saldhigga Booliska magaalada Raasepori oo shalay marqura la faarujiyay kaddib markii uu qof magaalada deggan saldhigga geeyay Bambaano

Espoo 9.7.0202- Booliska Galbeedka Finland ayaa wuxuu sheegay in shalay oo Arbaco ahayd ay saldhigga booliska magaalada Raasepori ka dhacday arrin aanay boolisku filayn.

Qof rayid ah ayaa saldhigga booliska geeyay bambaano uu gurigiisa ka helay. Booliska oo bambaanada gacanta lagu sido ka naxay ayaa dadkii joogay saldhigga booliska ku amray in ay dhismaha saldhigga faarujiyaan, maadaama bambaanadu ay qarxi kartay.

Ciidamadda xoogga dalka ayeey boolisku u yeereen waxaana mardambe halkaas laga qaaday bambaanadi cabsida abuurtay ee uu qof rayid ah gurigiisa ka helay kaddib saldhigga booliska u dhaqaajiyay.

Boolisku waxay dadka kula talinayaan in haddii ay helaan ama arkaan wax u eg waxyaabaha qarxa ay marka hore wacaan lambarka xaaladaha degdegga ah ee 112. Markaas waxaa goobta imaanaya roondo boolis oo hawsha u sii gudbinaysa cidda wax ka qabashadeeda aqoonta u leh islamarkaasna u xilsaaran.

Isha warka iyo sawirka: ILTA -SANOMAT