Ruushka oo ballaariyay weerarka Yukreyn- Weerarada oo ku dhowaaday xadka Poland

KUVA: SSMV

Wararka ka soo baxaya dalka Yukreyn ayaa sheegayaa in saakay uu Ruushku weeraro dhinaca cirka ah ku ekeeyay saddex magaalo oo ay ku jirto magaalo dhacda dhanka Galbeed ee Yukreyn oo lagu magacaabo Lutsk. Lutsk ayaa xadka Poland u jirta qiyaastii 100 kilomitir.

Welwel la xiriira weerarka ka dhacay meel u dhow xadka Poland ayaa durbadiiba laga dareemay saakay magaalooyinka xadka Yukreyn u dhow ee ku yaal gudaha Poland.

Saraakiisha saddexdan magaalo ee uu maanta Ruushka duqeeyay ayaa xaqiijiyay weerarada. Dhanka kale af-hayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in ay burburiyeen garoonnada ciidamada ee Lutsk iyo Ivano-Frankivsk.

Warar sugan weli lagama hayo waxyeellada nafeed ee ka dhalatay weeraradan dhanka cirka ah ee uu saakay Ruushku ku qaaday magaalooyin ka tirsan dalka Yukreyn.

Ilo wareedyada: Reuters, AP, AFP