Ruushka oo aqbalay tallaal cusub oo Korona la isaga tallaalayo iyo WHO oo doonaysa in ay ka gungaarto ammaanka tallaalkan

Helsinki- 12.8.2020- Ururka Caafimaad Adduunka oo ka hadlayay tallaalka ay Ruushku shaaciyeen in looga gaashaaman karo fayruska Koronaha ayaa sheegaya in tallaalka Korona ee lagu diyaaray Ruushka lagu samaynayo qiimeyn iyo baaritaanno dhinaca ammaanka ah oo baaxad weyn kahor inta aan la siin aqbalaadda Ururka Caafimaad Adduunka.

Hadalkan Ururka Caafimaadka Adduunka ka soo baxay ayaa imaanayay xilli uu maanta (11.8.2020) madaxweynaha Ruushka, Putin sheegay in saakay subaxdii la diiwaangeliyay tallaal Koronaha looga gaashaamanayo, kaas oo noqonaya tallaalkii ugu horreeyay ee loo soo saaray ka hortagga Korona.

WHO ayaa dhanka kale sheegaysa in dhammaadkii Luulyo ee sannadkan ay dunida ka jireen 165 nooc oo tallaal ah, kuwaas oo ay ku socotay horumarin iyo baaritaanno. Lix iyo labaatan (26) ka mid ah tallaaladan ayaa gaaray sida WHO laga soo xigtay heer dad lagu tijaabin karo.

Dunida oo dhan ayaa waxay dhegta u taagaysaa soo if-baxa tallaalka looga hortagi karo fayruska Korona.

Xuquuqda sawirka: THE NEW YORK TIMES

Isha warka: IlTA-SANOMAT/THE NEW YORK TIME