Finland oo laga soo saaray hab cusub oo lagu daaweeynayo dadka uu wadnuhu istaago

Turku 10.7.2020- Cilmi-baaris daawo oo lagu sameeyay isbitaalka dhexe ee jaamacadda Turku ayaa waxaa ka soo baxay nidaam cusub oo lagu daweynayo dadka uu wadnuhu istaago.

Cilmibaaristan oo ka dhacaysay sannadihii 2009-2014 gudaha isbitaalka ayaa waxaa bukaannada ku jira qaybta xaaladda degdegga ah la siinayay gaaska Xenon, kaas oo dadkii la siiyay ka badbaadiyay in ay dhaawacyo badan ka gaaraan maskaxda iyo murqaha wadnaha.

Natiijada cilmi-baaristan ka soo baxday ayaa waxaa lagu daabacay buugga qalinjebinta jaamacadda ee Dhaktar Olli Arola, kaas oo gugi la soo dhaafay la siiyay abaamarinta buugga qalinjebinta sannadka ee Majalladda Dhaktarka (Lääkärilehti)

Cilmi-baaristan waa tii ugu horreysay adduunka oo dhan ee lagu daaweeyo loogana hortago dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha istaagga wadnaha, sida dhaawacyada maskaxda iyo wadnaha soo gaara ee ay sababto hawa-yaraanta la socota wadna istaagga.

Arrintan ayaa dunida aad looga soo dhoweeyay waxaana la wada qirsanyahay in hadda kahor aan dunida lagu heyn daawo ama habkale oo looga hortago dhaawacyada maskaxda soo gaara ee ka dhasha marka ay hawadu yaraato istaagga wadnaha dartiis.

Hawada ayaa maskaxda ka yaraata marka uu wadnuhu si ku meelgaar ah u istaago, taasina waxay keentaa dhaawacyo halis ah oo maskaxda iyo murqaha wadnaha soo gaara, haddii xittaa uu bukaanku aanu u geeriyoon wadnaha istaagay.

ILTA-SANOMAT

SAWIRKA: ILTA-SANOMAT