Rugta Caafiimaadka Kannelmäki, Helsinki oo shirkad gaar loo leeyahay lagu wareejiyay

Helsinki 11.6.2020 Golaha Deegaanka Magaalada Helsinki ayaa cod ku ansixiyay soojeedin ka timid Xisbiga Isbahaysiga (Kokoomus) kan Cagaarkuna (Vihreä) uu ku raacay.

Wareejinta rugta Caafimaadka Kannelmäki lagu wareejiyay shirkad gaar loo leeyahay ayaa sabab looga dhigay dhibaatooyin ka taagnaa muddooyinkii la soo dhaafay dhinaca helitaanka daryeelka rugtan caafimaad oo deegaanka ay u adeegto ay Soomaali badan ku nooshahay.

Wareejinta ayaa ah mid tijaabo ah waxaana u codeeyay 55 wakiil halka 27 wakiilna ay ka soo horjeesteen. Marka laga reebo Xisbiga Isbahaysiga iyo kan Cagaarka, dhammaan xisbiyada kale waa ka soo horjeesteen in arrintan la meelmariyo.

Dadka qaar ee deggan deegaanka Kannelmäki oo aan wax ka weydiinay saameynta uu isbeddelkan ku yeelan karo adeegyada caafimaadka  ee ay halkan ka heli jireen ayaa waxay sheegeen in ay doonayaan oo kaliya adeeg hufan iyo qaabilaad aan wakhti dheer la sugin, haddii ay intaas helaanna waxba kama qabaan in shirkad lagu wareejiyo rugta caafimaadka oo hadda kahor ay maamul jirtay magaalada Helsinki, gaar ahaan Hoggaankeeda Arrimaha Bulshada iyo Caafimaadka.

Sawirka: Helsingin Uutiset