Ra’iisul wasaaraha Finland Sanna Marin oo sheegtay in ay dib u celinayso lacagtii gunnada quraac ahaanta loo siiyay ee muranku ka dhashay.

Pääministeri Sanna Marin tiedotustilaisuudessa 26.11.2020. Photo: Valtioneuvosto facebook stream/screenshot

Sabti 05.06.2021. Ra’iisul wasaaraha dalka Finland Sanna Marin ayaa sheegtay in ay gabi ahaanba dib u celinayso lacagtii hore loo siin jiray ee loogu talaggalay gunnada quraac ahaanta ah, kaddib markii maalmihii la soo dhaafay uu muran xoog leh ka dhashay xaqnimada ay ra’iisulwasaaruhu  u leedahay qaadashada gunnadaas.

Waxaa kaloo ay ra’iisul wasaare Sanna Marin barteeda twitterka ku sheegtay in ay bixinayso casnhuurtii ka dhalatay gunnadaas. Sababtana waxaa ay ku sheegtay in ay tahay, maadaama uu ahaa dakhli soo galay sannadkii hore, islamarkaana aan hore loogu xisaabin canshuur celintii sannadkii la soo dhaafay ee 2020, in ay haatan dib u bixinayso canshuurtii ka dhalatay lacagtaas.

Arrinkan canshuur celinta ah ayaa soo baxay kaddib markii xafiiska canshuuruhu uu sheegay, in lacagtaas gunnada quraac ahaanta loo siin jiray ra’iisul wasaaraha ay ahayd kharash canshuur laga rabo, taasoo ka duwan sidii ay arinka u qaateen xafiiska golaha wasiirrada ee ahaa in ay tahay lacag ay xaq u leeyihiin ra’iisul wasaarayaasha dalka.

Sanna Marin waxaa ay sheegtay in shalay ay xafiiska canshuuraha arrinkaas kala hadashay, maadaama lacagtaas ay ahayd dakhli hore u soo galay sannadkii tagay ee 2020, islamarkaana aan lagu xisaabin canshuur celinteedii, ay haatan diyaar u tahay in ay dib u bixiso lacagtaas canshuurta ah.

Arrinkaas ayaa waxaa uu tilmaan cad u yahay sababta keentay in dalalka adduunku qaarkood ay kuwa kale dhinac kasta oo xagga nololwanaagga iyo caafimaadka ah uga horumaraan. Sababtuna waxaa ay tahay in dalalka xagga nololwanaagga iyo caafimaadk ka dib dhacay, inhantidii qaranka la boobaayo oo nin kastaa oo meel madax ka ah uu jeebka ka buuxsanaayo, halka dalalka qaarna sida haatan warkaan aan ka arkayno la sikula xisaabtamayo, xittaa wax yar oo si faham khalad ahaan ah uga leexday wadadii loogu talaggalay, iska daa wax weyn oo la lunsadee.

Lacagta hadda muranka intaa le’eg dhalisay oo madaxii ugu sarreeyay ee dalka ay khasab ku noqotay in ay dib u celiso waa lacag gaaraysa illaa 800 oo yuuro, oo waliba aanay markii horeba dhicin ee loo sheegay in ay xaq u leedahay, markii ay cadaatay inaanay xaq u lahaynna ay si muran la’aan ah u celisay, waliba canshuur bixintii sannadkaasna ay raacisay.

Cadaaladda iyo daacadnimadu waa saldhigga iyo aasaaska dowladnimada, haddii labadaas la waayana, wax hagaagayaa ma jiraan.