Finland waxaa laga helay maanta 117 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo Hal xaalad oo dhimasho ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Finland waxaa laga helay maanta 117 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo Hal xaalad oo dhimasho ah

Isniin 03.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 117 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 87 345 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 3 058 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 39 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 59 qof,  gobolka Päijät-Häme oo laga helay 25 qof , iyo gobolka Pirkanmaa oo  laga helay 11 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 26
Lahti 23
Espoo 12
Vantaa 10
Tampere 5
Oulu 3
Jämsä 3
Pornainen 2
Eurajoki 2
Porvoo 2
Orimattila 2
Hämeenlinna 2
Janakkala 2
Sipoo 2
Ylöjärvi 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 120 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  28 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 915 qof, kaddib markii hay’adda THl ay maanta shegtay dhimashada hal qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 24 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 5 374 oo qof, kuwaasoo 4 521 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 852-da kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 30.04).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 698 107 oo qof (03.05).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 153 577 439 50 512 015
Tirada u dhimatay feyruska 3 218 196 1 072 702

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 611 258 40 492 586
Tirada u dhimatay feyruska  122 616 530 943

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 19,919,715   370 059    3 422  218 945
Baraaziil 14,754,910     28 935    1 210  407 775
Turkiga  4,875,388     25 980       340     40 844
Jarmalka  3,425,598     13 255       124     83 826
Arjantiin  3,005,259     11 394       156    64 252
Kolombiya 2,893,655     15 909       485    74 700
Iiraan 2,534,855     18 698       394    72 484

 

 Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 973,604       14 048
63 Denmark 252,912    867    1    2 490
88 Norwey 113,469    210           756
159 Iceland  6 472                 29
42 Saudi-Arabia  419 348    937    11    6 979
133 Soomaaliya  13,915             713

 

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS