Ra’iisal wasaaraha Finland Sanna Marin oo ka hadashay sawir warbaahinta bulshada lagu baahiyay oo hadal-hayn badan dhaliyay

Pääministeri Sanna Marin tiedotustilaisuudessa 26.11.2020. Photo: Valtioneuvosto facebook stream/screenshot

Kaddib markii sawir ay labo qofood dumar ah isku-dhunkanayaan gudaha dhismaha Kesäranta ee deegaanka Ra’iisal wasaaraha Finland lagu baahiyay baraha bulshada, ayeey Sanna Marin warbaahinta u qabatay kulan wareed.

Sanna Marin ayaa warbaahinta horteeda ka qiratay in sawirku uu sax yahay oo aanu ahayn mid been-abuur ah. Marin oo sawirka ku tilmaantay mid aan munaasab ahayn ayaa raalli-gelin ka dalbatay dadka ay xukuumaddooda hoggaamisa.

Marin oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay, in aanay ahayn in sawir noocaas oo kale ah la qaado. Waxaa kale oo ay Marin muujisay, in wax intaas ka weyn aanay meesha ka dhicin.

Dhacdadan ayaa ka dambeysay mid hore oo ku saabsanayd qoob-ka-ciyaar iyo baashaal xadka ka baxay oo ay Sanna Marin qayb ka ahayd. Dhacdadaas oo keentay in xittaa la tuhmo in Marin ay maandooriye aan khamri ahayn isticmaashay.

Si kastaba ha ahaatee, Marin oo dhacdadaas ka falcelinaysa ayaa tagtay baaritaanka mukhaadaraadka. Natiijada baaritaanka ayaa soo baxday waxaana la caddeeyay, in Marin aanay wax maandooriye ah isticmaalin.

Waxaa kale oo ay dhacdadaas iyo tan ka dambeysayba keeneen, in siyaasiyiinta mucaaradku su’aal ka keenaan xil-qaadnimada Marin oo la sheegay, in aanay fasax rasmi ah ku jirin xilligii ay xafladaynaysay. Marin ayaa dhankeeda arrinkaas uga jawaabtay, in heegan u noqoshada xilkeeda aanay dayicin.

Su’aalo-weydiin la xiriirta baashaalka dad badan u arkaan mid xad-dhaaf ah ee ay ra’iisal wasaare Marin samaysay muddooyinkii u dambeysay ayaa waxaa ka muuqata, in aanay dadku u arkin dembi ama dayacaad ka dhacday Marin. Laakiin waxay dadku door-bidi-lahaayeen, in Marin aanay habkan ku dhaqmin xilka ay dusha ku siddo dartiis.

Dhanka kale, dad badan oo siyaasadda Finland u dhuun-daloola ayaa qaba, in culeyska siyaasadeed ee Marin la saarayo uu qayb ka yahay, sida aanay siyaasiyiinta ragga ah u oggoleyn, in qof dumar ah ay qabato xilka hoggaaminta xukuumadda ama Wasiirka Koowaad ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la saadaalinayaa in dhacdooyinkan isdaba-joogga ah ay dharbaaxo siyaasadeed ku noqonayaan taageerada gaarka ah ee Marin loo hayo iyo guud ahaan xisbigeeda SDP ee ay hoggaankiisa heyso.

Isha warka: MTV3