Qoyska siyaasi Suldaan Said Ahmed oo loo hanjabay- hanjabaadda oo hub loo adeegsaday

Suldaan Said Ahmed oo diraya Hambalyada 60 guurada Xornimada Soomaaliya

Helsinki 18.7.2020- MTV Uutiset ayaa baahisay warar ay booliska ka soo xigatay oo sheegaya in qoyska Suldaan Said Ahmed oo ah Mudane ka tirsan Golaha Deegaanka Helsinki loo hanjbay gelinkii dambe ee Khamiisti (16.7.2020).

Mudane Suldaan Said ayaa MTV Uutiset u sheegay in warka ku saabsan dhacdadii shalay (16.7.2020) uu maanta (17.7.2020) ka ogaaday qoyskiisa.

”Xaaladdu waxay ahayd mid aad looga qarracmo. Qoyska oo dhan waa ay shoogeen”.  Suldaan Said Ahmed

Suldaan Said ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in qoyskiisu ay u sheegeen in nin jaarkooda ah oo balakoonka gurigiisa joogay uu qori ugu hanjabay, xilli ay qoyska joogeen baarkin u dhow balakoonka guriga ninkan.

Booliska Bariga Uusimaa ayaa dhankooda sheegay in dhacdadan lagu soo wargeliyay saacaddu markii ay ahayd 13.21 (16.7.2020). Hawlgal ay boolisku goobta ku tageen islamarkaasna ninka hubka sitay ku hareereeyeen ayaa si deggan ku soo idlaaday, kadib markii uu ninkan aqbalay amarkii ay boolisku siiyeen.

Qoriga uu ninkan qoyska ugu hanjabay ayeey boolisku ku sheegeen in uu ahaa qoryaha hawada ku shaqeeya ee ay  rasaastu ka dhacdo.

Suldaan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qoysku ay ammaankooda ka welwelsan yihiin, sidaas darteedna ay ka guurayaan deegaanka uu dhibkan kula dhacay oo ka tirsan magaalada Vantaa.

”War kama hayno sababto uu qofka sidan u sameeyay. Waxaan rajaynaynaa in kiiskan si buuxda oo sali yo baar ah loo baaro”, Suldaan ayaa sidaas u sheegay MTV Uutiset.

Suldaan oo ka tirsan Xisbiga Garabka Bidix ee Finland ayaa ah siyaasi hadalkiisu qayaxanyahay oo aan la gamban aragtidiisa siyaasadiis waxaana uu asal ahaan ka soo jeedaa Soomaaliya.

Xuquuqda Sawirka: Suldaan Said Ahmed (Facebook)

Isha warka: MTV Uutiset